“Dedaalka xasan Sheekh ma joojinayso hadalkani oo waanu sii Wadaynaa, Waxana aanu Rabnaa Inay Dhaliiluhu Noqdaan……..” Afhayeenka Madaxweynaha Somalia
Muqdisho:08-Feb-2014(SDN)-Afhayeenka Madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa si Kulul uga Jawaabay Hadal Dhawaan ka soo yeedhay Sarkaal sare oo Maraykan ah, kaas oo si weyn u dhaliilay Geeddi-socodka Dawaldda Uu Hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Mr Yariisow oo Toddobaadyo kadib dhaliishan ka Jawaabayey, ayaa isagoo u warramayey Idacadda BBC-da farta ku fiiqay inuu wax badan qabtay, “Arrintaasi waa mid aan loo baahnayn, waxana aanu aaminsanahay inaanay sax ahayn, Madaxweyne Xasana wax badan buu sameeyey, Xilligii uu Madaxweyne Xasan sheikh Taladda Qabtay Meeshii Wax marayeen Waad Ogaydeen, Haatanna Meel Fiican baa Wax Noo Marayaan ayuu yidhi Mudane Yariisaw.
Afhayeenka Dawladda ayaa sidoo kale Xusay inaanu Hadalka ka Soo Yeedhay Sarkaalkan Maraykanka ahi aanu wiiqi doonin Dedaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Ugu Jiro Horumarka Dalka. “Dedaalka xasan ma joojinayso hadalkani oo waanu sii Wadaynaa.” Ayuu Hadalkiisa ku Daray.
Waxa kale oo uu ka Hadlay Arrimaha Bangiga Somalia oo dad Badani isku badalleen, Isla-markaana Shaki ku Abuuray Deeq-bixiyayaal Hore lacago Somalia ugu Ballan qaaday, balse aanu wali Toos u Siinin, waxana uu yidhi, “banggiga iyo arrimaha maaliyaddaba wax badan baa laga qabtay, hal shilin oo caalamku dawladda toos u siiyey ma jirto, waxanu ku hawllan nahay sidii caalamku kalsooni siin lahaayeen” ayuu yidhi Yariisow.
Ugu dambayntii Mr Yariisow ayaa si cad u sheegay inay Doonayaan in waxa lagu dhaliilayo Xukuumaddu ay Noqdaan wax muuqda oo aan Mutuhis lahayn, waxana uu yidhi,“waxanu rabnaa inay Dhaliiluhun noqdaan kuwo caddaaladi ku disan tahay.”
Hadalkan ka soo yeedhay Afhayeenka Dawladda Somalia, ayaa ku soo Beegmaya xilli uu cirka isku shareeray Dhalliilaha Dhinaca caalamka looga jeedinayo Madaxweyne Xasan sheikh iyo Dawladdiisa, waxana uu Dhawaan sarkaalkan Hadalkiisa laga Jawaabayey oo maraykanka u dhashay sheegay in Habacsanaanta Dawladdu Keentay inay Al-shabaab wali dalka Cudud ku sii yeeshaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com