|

DDS oo ka digtay in Al Shabaab ka faaiideysato colaadaha Soomaalida

Jig Jiga (QJ) Laamaha ammaanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo saaray digniin amni oo ku saabsan falal argagixiso oo abaabulan oo la doonayo in lagu soo galo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Digniin amni oo ka soo baxday xafiiska nabad sugida dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu wargaliyay shacabka ku dhaqan deegaanka Soomaalida in aysan ku qaldamin kooxo lagu tilmaamay argagixiso abaabulan oo isku dayaya in ay dhulka kusoo galaan qaab qabiil. “Sida cid walba ka warqabto kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab waxa ay damacsan yihiin in ay dalka soo galaan, hase ahaatee mar haddii ay awoodi waayeen in ay dalka isaga kala gooshaan iyaga oo hubeysan oo ku calaamadsan astaanta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri digniinta ka soo baxday Xafiiska Amniga Qaranka. dowlad deegaanka Soomaalida.

“Istaraatiijiyadoodii way bedeleen, waxayna hadda isku dayayaan inay deegaanka soo galaan iyagoo iska soo dhigaya hayb qabiil, iyagoo si gaar ah u abaabula dhallinyarada magac qabiil, gaar ahaan gobollada xuduudka ah,” ayaa lagu yiri digniinta ka soo baxday xafiiska nabad-sugidda dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale ciidamada maamulka gobolka ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabeen howlgalo ay ku fashilinayaan qorshayaasha ay maleegayaan argagixisada, waxaana ay mar kale shacabka uga digeen in lagu kadsoomo qorista ay kooxahan argagaxisada ah ka wadaan gudaha gobolka.

“Sidaa darteed, waxaa looga digayaa shacabka sharafta leh ee gobolka sida dhalinyarada, odayaasha, waxgaradka, culumaa’udiinka, haweenka, in aan lagu marin habaabin abaabulka ay wadaan xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya magaca qabiil,” ayaa lagu daray digniinta.

Leave a Reply