|

Dayax Madoobaad Xalay Laga Arkay Qaybo Ka Mid Ah Dunida

Hargeysa,28sep,2015(QJ/SDN)-Nuskii danbe ee xalay ama xilli ku beegan Daakiraadii (Eedaankii) salaada subax waxa laga war helay Dayax madoobaad, Dayax-madoobaadkan ayaa intiisa badan laga arkay guud ahaan caalamka.

dayax

Meelaha sida aadka looga arkay dayax-madoobaadkan waxa ka mid ah magaalada Hargeysa, iyadoo wariyaha magaalada Hargeysa Khaalid Foodhaadhi uu kusoo warramayo in halkaas  salaad laga oogay masaajidada magaalada Hargeysa intooda badan tan iyo waabeerigii markaas oo salaada subax la tukadey.

Ma ahan markii ugu horreysay ee dayaxu madoobaado balse waxa jirtay marar hore oo sidan dayaxu u madoobaaday, iyadoo diinta islaamku ay sheegtay in dayax madoobaadku uu ka mid yahay calaamadaha maalinta danbe (Yawmul-qiyaamaha).

Ugu danbeyntii dayax-madoobaadkan ayaa noqday mid aad looga hadal hayo guud ahaan caalamka iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay sawirro laga qaaday muddadii uu dayaxu madoobaa

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed