“Dawladu ku tagi Mayso suldaan meel u baxa,hadii dagaal dhaco kordhin aan guurti la marinayn ayaa imanaysa”Boqor buurmadaw
Hargaysa 16.Dec 2014 (SDN/QJ)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw ayaa ka hadlay Xaalada gobolka Awdal iyo Suldaan Dhawaan sheegay inaanu Taageersanayay Qadiyada Somaliland,waxanu sheegay inanay maanta ka filay isaga iyo Siilaanyo oo uu Boqor u yahayba inuu Suldaan Wabar oo Daahir Riyaale oo 8Sano Dalka hayay Suldaan u ahaa. “xaalada hada jira Somaliland uma baahna hadal kala fogeeya waxay u baahan tahay,tacliin iyo wax isku soo dhaweeya”ayu yidhi Boqor
Waxaanu intaasi raaciyay“Suldaan wabar waxaanu nahay rag aad u saaxiib ah oo waxan ku jiray ragii caleemo saarkiisa ka shaqeeyay ayaan ahaa”boqor buurmadaw
Isagoo boqor buurmadaw ka hadlaya xaalada suldaan“Mana filayn maanta inuu halkaasi ka bilaabo sababo badan awgeed,inagu dhaqan ayaynu leenahay,waana in raga dhaqanku dhaqanka ilaaliyaaan,wax dhaliil ah igama gayo oo ma odhanayo waa saaxiibkay,laakin inta isaga taageersan ee la caadifadaysan,waxa aan odhan karaa wax hogotusaalayn ah”boqor Buurmadaw
Boqor buurmadaw waxa uu ka hadlay madaxwaynayaashii kala duwanaa ee soo maray Somaliland waxanu sheegay inuu Madaxwayne Daahir Riyaale oo uu Suldaan u ahaa madaxwaynihii ugu mudada dheeraa“waxa aan odhan lahaa Somaliland mar Cabdiraxmaan ayaa joogay,marna ina Cigaal ayaa joogay marna Daahir Riyaale ayaa joogay,Daahir Riyaale waa suldaankiisii Sideed sano ayuu qalooc iyo wanaagba u soo xukumay,Suldaanka waxa aan odhan lahaa anigoo siilaayo suldaankiisii ah ,12ka sannaba Daahir Riyaale ayaan Ahaan“Boqor Buur Madaw
Waxanu intaasi raaciyay “Dawladu ku tagi Mayso suldaan meel u baxa,hadii dagaal dhaco kordhin aan guurti la marinayn ayaa imanaysa”Boqor buurmadaw
Waxa uu sheegay Reerka Suldaan WABAR ka soo jeedo uu yahay kii soo xukumayay laba iyo tobanka sano kana hadal tabashada uu maanta suldaan wabar sheegay “12 Sano oo Dalka Jibriil Yoonis Soo Xukumayay Muxuu Suldaan WABAR u Arki Wayay Inay Borama Wax ka Maqanyihiin”Boqor BuurMadaw
Waxa uu Suldaan Wabar u soo jeediyay in hadii uu xukuumada Adeeci waayo la xidhi doono“Suldaanka Waxa Aan Leeyahay Hadii Aad Dawladnimad Adeeci Waydo Waa Lagu Xidhi”Boqor Buur Madaw