“Dawladdii Rayaale way ka dulqaad badnayd tan Siilaanyo oo qof wal oo hadlaba afka kagamay soo boodayn. Qabyaaladduna xadkan ay imika taladii ay salka u tahay in qabiil lagu qaado way ka yara asturnayd.”Cali-sanyare
Hargeysa:June,08,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, Cali Maxamed Ibraahim(cali-sanyare) ayaa si weyn uga Hadlay Xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu tilmaamay in hoos u dhac badani ka jiro Gebi ahaanba somaliland.
Cali-Sar oo la Hadlay Barnaamijka Milicsiga siyaasiga ee Telefishanka Universal, ayaa si weyn isu barbar dhigay Xukuumaddii uu isagu katirsanaan jirey iyo Xukuumaddan talada kala wareegtay ee uu hoggaamiyo madaxweyne Siilaanyo, waxana uu ku adkaystay in Xukuumaddan haatan lagaga fiicnaa waxyaabo badan oo horumarka dalka muhiim u ah.
Ugu horrayn waxa uu cali sanyare ka Hadlay arrimo guud ahaan somaliland caqabad ku ah dhammaanba Xukuumadihii soo maray,“Go’aanaddii Dawladaheenii kala dambeeyey qaateen Aqoon lagama dhex arkine ama qabyaalad baad ka arkaysaa mutuxan oo la qaaday ama cadaadis meelo kale kaga yimi baad ku arkaysaa, markaa sidaas dawladnimadu kuma saldhigayso” ayuu yidhi Cali-sanyare.
Mar uu ka Hadlayey cidda ay tahay in lagu canaanto dibu dhaca doorashada iyo sida lagu daaweyn karo, waxa uu yidhi,
“wax kasta oo dhacay waxa masuuliyadda iska leh xukuumadda taagan, waayo waxa loo doortay inay barnaamijyada loo baahan yahay oo dhan si hagar la’aan ah u dhameeyaan, wixii dibu dhac ah ee ka yimaaddana xukuumaddu waa inaanay dafirin oo ay dadku u sheegto oo tidhaahdo waanu ka xunnahay anagaana masuuliyadda leh, laakiin ma aha in la dafiro, ciddii muddadaas la doortay ayaana wixii xumaan iyo wanaag ah dhaca iska leh.”
Isbar-bardhig uu ku samaynayey Xukuumaddii madaxweyne Rayaale iyo middan haatan ee Madaxweyne Siilaanyo, ayuu si cad ugu sheegay inay xukuumaddii Rayaale waxyaabo badan kaga fiicnayd, isagoo tusaale usoo qaatay Qabyaaladda oo uu sheegay inay xilligan xadhkaha goosatay, waxana uu yidhi,
“Dawladdii Rayaale way ka dulqaad badan tahay tan oo way ka Samir badan tahay oo qof wal oo hadlaba afka kagamay soo boodayn. Qabyaaladduna xadkan ay imika taladii ay salka u tahay in qabiil lagu qaado way ka yara asturnayd. Ta saddexaadna amnigu min daraf ilaa daraf uu sugnaa ciidankaas haatan lagu faanayana ay rayaalaa dhisay.”
Cali-sanyare waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aanay waligeed gaadhi Karin waxqabadkii Xukuumaddii rayaale, waxana uu dhaliilay Qorshaha ictiraaf raadineed ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com