“Dawladdani Haatan way sii dhacaysaa, Qandaraas ay saxeexi kartaana ma jirto, saxeexeeduna maanta ma shaqaynayo, Shacabkuna ma ogola,” Maxamed Yaasiin Xasan
London:Feb,19,2015(SDN/QJ)-Maxamed Yaasiin Xasan Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Horumarinta Dekedaha, ayaa ka Hadlay Warar isasoo taraya oo sheegaya in Dekedda Magaalada Berbera dhawaan lagu wareejin doono Shirkado Ajaanib ah oo maamulkeeda la wareegi doona.
Maxamed Yaasiin Xasan oo haatan kamid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay inaanay haboonayn in dekedaas lagu wareejiyo cid kale, waxana uu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay inay kusii jirto gacanta xukuumadda iyo dadka kale ee xoogsatada ah.
Maxamed Yaasiin ooh ore Dekedda Wasiir uga ahaa, ayaa ka hadlay ugu horrayn waxyaabihii uu kala kulmay qaar kamid ah shirkadaha haatan doonaya inay la wareegaan iyo jawaabtii uu madaxweynaha ula tegay,
“Dekedda in shirkado lagu wareejiyo waxay ka timi Dawladda Ethiopia, ayaa rag carab ah oo ay wada shaqaystaan ayaa is tusiyey inay xiiso gaar ah u hayaan, Palore, Dubai iyo Kuwait intuba waa ku jiraan xiisaha dekedda, Aniga Palore way ila soo xidhiidheen, madaxweynuhuna waxa uu afkiisa igaga yidhi mar haddii ay kuwii horeba is diideen inagana inaga daa.” Ayuu yidhi Maxamed Yaasiin.
Maxamed Yaasiin xasan oo ka Hadlayey waxyaabaha laga faa’iidayo Hadii Dekedda la wareejiyo iyo cidda helaysa faa’iidadaas, ayaa sheegay in kaliya cidda saxeexaysa Qandaraaska oo ah wasiirradu arrintaas ka faa’iidayaan, waxana uu yidhi,
“Nimankaa Qandaraaska Saxeexaya ee Wasiirrada ah iyo Madaxtooyada, ayuun baa malaayiin lacag ah halkaas ka faa’iidaya, laakiin cid kale oo wax faa’iidaysaa ma jirto, madaxweynahana waa la khiyaamaynayaa oo wax kale ayaa loo akhriyayaa.”
Waxa uu si cad u sheegay Maxamed Yaasiin Xasan in Xukuumadda Kulmiye oo haatan wakhtigeedu gebogebo ku dhaw yahay aanay geli Karin Heshiisyo noocaas oo kale ah, isla-markaana aanay awood saxeex oo heerkaas gaadhsiisan aanay lahayn,
“Dawladdani Haatan way sii dhacaysaa, Qandaraas ay saxeexi kartaana ma jirto, saxeexeeduna maanta ma shaqaynayo, Shacabkuna ma ogola, waxana aan leeyahay waa in la sameeyaa Kacdoon lagaga soo horjeedo Arrintaas.”
Hadalka Siyaasi Maxamed Yaasiin Xasan ayaa ka dambeeyey warar dhawaanahan soo baxayey oo sheegayey in Dekedda Berbera lagu wareejin doono Shirkado shisheeye oo maamulkeeda la wareegi doona.
SDN/QJ