Dawladdaha UK iyo Soomaaliya oo ka hadlay Nin British ah oo lagu xidhay Muqdisho
Muqdisho 27, March 2012 (Qurbejoog.com/CNN)- Ciidanka amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa xidhay nin British ah oo looga shakiyay inuu ku xidhan yahay Al-Qaacida.
Siday faafisay barta Internet-ka ee Telefishanka CNN ee dalka Maraykanka, Afhayeenka dawladda Soomaaliya Mr. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ninkan oo da’diisa 45 lagu sheegay waxa Salaasadii maanta lagu xidhay Muqdisho. “Ninku (la xidhay) asalkiisu Soomaali maaha,” ayuu yidhi Afhayeenka oo sidoo kalena Lataliye sare u ah Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Waxa uu sheegay in shakiga xidhitaanka ninkaas British-ka ahi ka dhashay markii uu Soomaaliya tegay isaga oo aan haysan Fiise ama ogolaansho gal-ku-gal iyo inuu sheegay inuu doonayay in uu Islaamka caawiyo, markii wax la waydiiyay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in masuuliyiintu xayireen Kambuyuutarka ninkaas la xidhay watay.
Dhinaca kale, wasaaradda Khaarajiga dawladda UK waxay sheegtay inay eegayaan xaalada xidhitaanka ninkaas British-ka ah oo aan magaciisa la sheegin.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com