Dawladda Xasan Sheekh Oo Ku Dhawaaqday Xalka ay U Hayso Dagaalada Lagu Riiqmay Ee Gobolo Dalka ka Mid ah Ka Socda
Muqdisho:21-Dec-2013(SDN)-Maadaama Aan Wali wax xal ah oo waara loo haynin mashaqada dagaal ee Labada Qabiil ku dhex maraysa Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ay dawladda Federalka ahi ku dhawaaqday inay Halkaas ciidan Geyn Doonto.
Dagaaladan oo ku sii fiday Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, ayey Dawladdu ku dhawaaqday inay ciidamo kala dhex dhigi doonto labada dhinac ee Dagaalamaya.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Cabdikariin Xuusen Guuleed ayaa warbaahinta u sheegay in la diyaariyay ciidamo kala dhexgala dagaal-beeleedyada ka socda gobalada dalka sida Shabeellaha Hoose, Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Wasiir Cabdikariin ayaa tilmaamay in ciidamadan ay ku wehlin doonaan goobaha ay tagayaan wax garad iyo odayaa kasoo kala jeeda beelaha dagaalamaya.
“Dowladda waxay wadaa qorshe ku saabsan siddii ciidamo loogu diri lahaa gobalada dagaallada ay ka socdaan dalka waxaana ku wehlin doonaa odayaal dhaqameed, si colaadaha mardambe u soo laaban” ayuu yidhi wasiirka.
Wasiirka ayaa sidoo kale baaq u diray beelaha ku dagaalamaya gobalada saddexda ah, wuxuuna sheegay nasiib daro in ay tahay dagaal 22-sanno lagu soo jiray in dib loogu laabto.
Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool goobaha lagu dagaalamayo in ay ka fogaadaan wax kasta oo hurin kara colaada.
Lama garanayo sida ay xal u keeni doonaan ciidan xilligan loo diro halkaasi, waxase jirey ciidan hore oo dawladu lahayd oo halkaas joogay iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood qabiilkood dhinaca ka raacay kana dhinac dagaalamaya.
Arrinta dagaalka ayaa sii xoogaysanaysa, waxana sii badanaya dhimashada dadka rayidka ah, iyadoo xukuumadduna xalkeedii dhaafi waayey ciidankan hadda la wado qabanqaabadiisa iyo baaqyo hore oo afka uun ahaa.
S.D.N