|

Dawladda Turkiga Oo Sheegay Inay Soomaaliya Bil Walba Siiyaan Laba Milyan Oo Doollar

Ankara 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia Olgan Baker ayaa sheegay in Xukuumadda Ankara ay Bil kastat Dowladda Soomaaliya siiso 2-milyan oo doollar oo kaash ah, si ay mushaarka ciidanka iyo arrimaha kale ee xukuumadda ugu isticmaasho.

olgan-baker-2Danjire Baker oo wareysi siinayay VOA-da, ayaa sheegay in Taageerada Lacageed ay soo billaabatay bishii Juun ee Sannadkan, markaasoo la furay safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ah ta ugu weyn ee Turkigu uu Caalamka ku leeyahay.

Sidoo kale, Safiirka Turkiga oo la weydiiyay waxa ka jira Saldhig millateri oo la sheegayo inay dhawaan ka furayaan Muqdisho ayuu sheegay inaanu jirin saldhig millateri oo ay furanayaan, Laakiin ay dhisayaan xero lagu tababbaro ciidamada.

us-dollar-currency-forecast-13Xitaa saxaafadda Turkiga arrintan way ka hadashay, ma jiro saldhig aan ka Furanayno Muqdisho ama xitaa Soomaaliya, balse waxaa socda dhismaha Xero lagu tababbaro ciidamada,” ayuu yidhi Danjire Baker.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa xusay in xeradan lagu tababbari doono dhammaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasoo uu xusay inay tababbar siin doonaan saraakiil Turkiga ah, ayna hawshani qayb ka tahay Kaalmooyinka Turkiga ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in safaaraddu ay u adeegto dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna u fududeeyaan wixii ay uga baahdaan oo dhan, sida Dal-ku-galka Turkiga iyo Kaalmada Deg-degga ah ee dhanka caafimaadka.

Comments are closed