Dawladda Tunisia Oo Amartay In Maqaaxiyaha Cuntada La Xidho Bisha Ramadaan Iyo Dadweynaha Oo Ka Gadooday !
Tunisia 01. June 2017 (SDN/QJ):- Go’aanka ka soo baxay wasaaradxa arrimaha gudaha Dalka Tunisia ayaa khilaaf aad u ballaadhan uu ka dhex dhaliyay bulshada ku nool Dalkaasi, go’aankan o ah in aan goobaha wax lagu cuno aan la furi Karin inta ay dadku soomanyihiin.
Dad badan oo ku nool dalkaasi ayaa go’aankan ka soo hor jeestay waxaanay xukuumada ka codsadeen in ay go’aankaasi ka noqoto, taasoo muujinaysa in aan hore loo xidhi jirin goobaha waxa laga cuno bisha ramadaan gaar ahaan maalintii.
Sidoo kale arrintan ayaa waxa ka hadlay Hay’ado u dooda Xuquuqda oo ka hawl gala gudaha Dalkaasi oo xukuumada ku guubaabiyay inay go’aankeeda wax ka badasho.