Dawladda Switzerland oo Laba Milyan oo Doollar ku kordhisay Dhaqaalaha ay Somaliland ku taageeri jirtay
Hargaysa 01.Oct 2014 (SDN/QJ)-Wefti ka socda dawladda Switzerland oo uu hoggaaminayo Xoghayaha arrimaha dibedda dalkaas, ayaa maanta booqasho shaqo ku yimi magaalada Hargeysa ee xarunta dalka, waxaanay kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan, iyagoo ballan-qaaday inay Lacag laba Milyan oo Doollar dhan ku kordhiyeen caawimooyinka ay hore Somaliland ugu taageeri jireen.
Weftigan oo maanta ka soo kicitimay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya oo ay shalay safar shaqo ku yimaaddeen, kulammana kula yeesheen Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan.
Kulanka ay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ku wada-yeesheen Madaxweyne Siilaanyo, Xubnaha Xukuumaddiisa ka tirsan iyo Weftiga ka socda waddanka Switzerland oo ahaa mid ay Saxaafaddu dibedda ka joogto, waxa markii uu dhammaaday Warbaahinta faahfaahin ka siiyey waxyaabaha lagaga wadahadlay iyo ujeeddada Weftiga Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Xoghayaha (ama Wasiirka) arrimaha dibedda Switzerland Mr. Yves Rossier.
Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay Weftigan ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, isla markaana waxa uu xusay in Switzerland oo ka mid ah dalalka taageerada fiican la garab-taagan Somaliland ay Laba Milyan oo Doollar ku kordhinayaan Dhaqaalaha ay hore ugu caawin jireen.
Sidoo kale, Wasiir Biixi waxa uu xusay in Weftigani Khamiista Berri booqasho ku tegi doonaan magaalooyinka Berbera iyo Sheekh ee gobolka Saaxil ee Somaliland ka tirsan, si ay wax badan uga ogaadaan xaaladda dalka ee dhinacyada nabadgelyada, horumarka iyo sida loo dhex-socon karo waddanka Somaliland xasilloonida ka jirta darteed.
Xoghayaha arrimaha dibedda Switzerland Yves Rossier, oo isaguna shirka jaraa’id ee ay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland wada-jirka u qabteen ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa uu Hargeysa ku yimi markii ugu horreysay maanta, isla markaana uu rejaynayo inaanay noqon tii ugu dambaysay ee uu rejaynayo inuu safarro kale ku iman doono Somaliland.
Mr. Yves Rossier, waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan kulanka ay wada-yeesheen, kaga wadahadleen arrimo badan oo muhiim ah, isla markaana Somaliland ugu muujiyeen Wefti ahaan halka ay dawladdoodu ka taagan tahay taageerada iyo ka qayb-qaadashada horumarka iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo tilmaamay inay meel fiican marayso dhinacyada horumarka iyo nabadgelyada marka laga eego.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com