|

Dawladda Suudaan oo ogolaaday in gobollada jabhaddu qabsadeen caawimo loo gudbin karo iyo heshiiska Khartuum-Jubba ee murankoodii Saliida

Khartuum August 5, 2012 (SDN/FT)- Dawladda Sudan ayaa Axadda maanta ogolaatay in caawimooyinka gargaarku u gudbi karaan gobollada dhinaca Koonfureed ee labada jabhadood qabsadeen.

Sida uu ku waramay wargeyska Financial Times, kooxaha arrimaha bani’aadaminada u dhaqdhaqaaqaa waxay sheegeen in dagaalku galaaftay dadka shacabka ah oo Macaluul waajahaya.

Ogolaanshuhu waxa uu yimi maalin keliya ka dib markii dawladda Sudan iyo dawladda South Sudan heshiis ka gaadheen murankii dhinaca sicirka Saliida ka gudbaysa dekedda Port Sudan ee xukuumadda Khartuum hore u joojisay in Juba saliideeda ka dhoofiso.

Heshiiskaasi waxa uu noqday talaabadii koowaad ee lagu afjaray muranka oo colaad ka dhex huriyay labada dawladdood, isla markaana ku dhawaaday in dagaal toos ahi ka dhaco bishii April ee sannadkan.

Hase yeeshee, weli labada dawladood waxay u baahan yihiin inay heshiis ka gaadhaan murankooda xuduuda, isla markaana horumariyaan nabadgelyada mushkilada xuduud-dhuleedka.

Sida uu sheegay madaxa ergada dawladda Sudan uga qaybgalayay wada-hadalada Addis Ababa Mr. Kamal Obeid, xukuumadda Khartuum waxay ogolaatay xabad-joojin xadidan oo ka mid ah meelaha ay jabhaddu haysato, si talaabada koowaad ay u ogolaato in caawimadu gudaha deegaamadaas u gudubto.

Masuulkaasi ma bixin xog dheeraad ah, laakiin wuxuu sheegay in caawimada loo qaybin doono iyadoo kormeer adag ay ku hayso dawladda Suudaan, isla markaana ay ciidamada amaanku awood u leeyihiin inay baadhaan shixnaddaha, una xaqiijiyaan qaybinta hawlwadeenada. “Waxaanu qabnaa walaac badan oo ku saabsan dhinaca kale…Diyaar uma aha in la gaadho xal nabadeed buuxa,” ayuu yidhi Mr. Obeid ka hor intii aanay Suudaan iyo Midowga Afrika kala saxeexan heshiiska laga gaadhay gudbista mucaawimooyinka loo wado gobollada Koonfureed, si loo caawiyo dadka ku talaabaysan degaamadaas xuduuda ah ee jabhadduhu haystaan.

Qurbejoog.com, Khartuum

Comments are closed