|

Dawladda Sudan Oo Cafis U Fidisay Basaas Dhashay Dalka Check Rebuplic !

Khartum 28. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Debadda ee Dalka Sudan Ibraahim Ghandour ayaa sheegay in Madaxweyne Cumar Al-bashiir uu amar ku bixiyay in la sii daayo nin u dhashay Dalka Check Rebuplic oo hore loogu xukumay 24 sano oo xadhig ah.

 

Ninkan oo shaqaale ka ahaa Hay’adaha Sama falka ee ka hawlgala Dalka sudan ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa basaas isla markaana uu shacabka Dalkaasi ku abuuri jiray xukuumad naceyb, Wasiirka Arrimaha debadda ee Sudan ayaa waxa uu yidhi “Madaxweyne Bashiir waa uu cafiyay Peter Jacek oo u dhashay Dalka Check Rebuplic sababtuna waxay tahay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada Dal”.

Ninkan oo ay Da’diisu tahay 53 jir ayaa waxa lagu xidhay Dalka sudan sanadkii 2015kii, waxaana bishii la soo dhaafay ay mid ka mid ah maxkamadaha Dalka Sudan ku xukuntay xadhig 24 sano ah, balse Dawlada uu ka soo jeedo ee Check Rebuplic ayaa dedaal u gashay sidii ay uga soo furdaamin lahayd xadhiga lagu xukumay.

Dhinaca kale ururka Relis International ayaa sheegay in Ninkan markii la xidhay ay wehelinayeen saddex nin oo u dhashay Dalka Sudan oo uu midkood ahaa arday ka soo jeeday Darfuur oo ku dhawaacmay mudaharaado uu ka qayb galay isla markaana uu Mr Peter bixiyay lacagtii lagu daweeyay kadib markii ay dhaawacyo soo gaadheen waana arrinta keentay in laga shakiyo.

Comments are closed