|

Dawladda Sucuudiga oo xidhay Safaaradii ay ku lahayd Qaahira, una yeedhay Danjirihii u joogay Masar, maxay tahay sababtu?

Qaahira 28, April 2012 (Qurbejoog.com/WSJ)- Dawladda dalka Sucuudiga Carabiya, ayaa xidhay safaaradii ay ku lahayd caasimadda dalka Masar ee Qaahira, iyadoo ay sii kordhayaan qalalaase diblomaasiyeed oo saameeyay dhaqaalaha Masar.

Sida uu sheegay wargeyska World Street Journal oo ka soo baxa Washington, dawladda Sucuudigu waxay sidoo kale la baxday danjirihii u joogay dalka Masar, waxaana xidhitaanka safaaradda iyo la bixitaanka Safiirka sabab looga dhigay mudaharaadyada sii socda eek a dhacaya Masar.

Warku wuxuu intaa ku daray, in safaaradda Sucuudiga ee Qaahira ay muddo todobaad ku dhow isha ku haysay mudaharaadyada weli ka sii socda dalkaas.

Xaakim Sacuudi ah ayaa xadhig sanad ah iyo xukun labaatan Jeedal in lagu dhufto ah ku riday Ahmed el-Gezawi oo ah qareen Masaari ah, kaasoo lagu eedeeyay aflegaadaynta Boqor Cabdalla.

Wakaalada wararka ee Sucuudigu waxay Sabtidii maanta sheegtay, in Ahmed Qattan latashi ugu soo noqon lahaa Riyaad, ka dib markii mudahaaradyo aan sababaysnayn iyo dibad-baxayaal isku dayeen inay dhagax-tuuraan, khatarna galiyaan nabadgelyada iyo nolosha shaqaalaha Sucuudi iyo Masaarida ah, taasoo sii kordhisay astaamaha dhibaatada iyo qulqulatooyinka ka dhanka ah madaxbanaanida Safaarada Boqortooyada ee Qaahira iyo Qunsuliyadahooda magaalooyinka dekeddaha ah ee Alexandria iyo Suez.

La bixitaanka Safiirku waxay muujinaysaa calaamadihii ugu xumaa iyo korodhka xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, tan iyo markii 1979 Masar saxeexday heshiiskii nabadda ee Israa’iil.

Tan iyo markii sanadkii hore kacdoon dadweyne xukunka lagaga tuuray Madaxweynihii hore Mr. Xusni Mubarak oo hadda Maxkamadi ku socoto, dalka Masar waxa ka socda qulqulatooyin siyaasadeed iyo dibad-baxyo rabshado wata.

Qurbejoog.com, Qaahira

Comments are closed