|

Dawladda Sucuudiga Oo Dhul Saxare Ah U Bedalaysa Magaalooyin Qurxoon Oo La Dalxiis Tago !

Riyadh 10. August 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Sucuudiga ayaa si weyn ugu hawlan sidii ay hoos ugu dhigi laheyd in dhaqaalaheedu uu ku tiirsanaado shidaalka ka soo baxa dalkaasi, dawladda Sucuudiga ayaa in ka badan  50 sano dhaqaalaha dalkeedu uu ku tiirsanaa shidaalka, balse haatan waxay u jeedsatay dhinaca saxaraha Rubuc Al-khaali waxa aanay ugu tala gashay in saxarahaasi ay ka dhisto magaalooyin aad u qurxoon oo ay ugu talo gashay in  loo dalxiis yimaado iyo sidoo kale inay kaga maaranto ku tiirsanaanta dhaqaale ee shidaalka.

Magaalooyinka  cusub ee ay dawlada Sucuudiga samaynayso ayaa waxa ugu horreeya laba magaalo oo mid ka mid ahi bedka ay ku fadhidaa uu noqonayo bed la mid ah ka Dalka Belgium uu ku fadhiyo, halka magaalada labaadna bedkeedu uu noqonayo bedka ay ku fadhido magaalo madaxda Dalka Ruushka ee Moscow, tallaabadan Boqortooyada Sucuudiga ayaa ah mid aan hore Dunida looga hirgalin waxaanu mashruucaasi noqonayaa mid aad wax uga bedala dhaqaalaha Dalkaasi, sidoo kalena waxa uu hoos u dhigayaa tirada dadka u dhashay Dalkaasi ee sanad walba la xaqiijiyay in dhaqaalaha ugu badan uu kaga baxo Dalxiiska ay ku tagaan waddamada shisheeye waxaana qorshahani hoggaamiya dhaxal sugaha Dalkaasi ee Maxamed Bin Salmaan.

Comments are closed