|

Dawladda Soomaaliya Oo Go,aamo Ka Soo Saartay Ammaanka iyo Masuuliyiinta Uu Saamayn Karo Xilkooda

Hargaysa 24.Feb 2014 (SDN)- Xukuumdda Soomaaliya ,ayaa soo saartay go,aammo ay wax kaga qabanayso ammaanka caasimadda Muqdisho  kaasoo saamayn kara masuuliyiin xilal muhiim ah ka haya Dawladda ka dib weerarkii  kooxda Al-Shabaab ka fulisay gudaha Madaxtooyada  kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo ay ka mid yihiin madax sare oo ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dad ah oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo dad ale oo shacab ah.

PHOTO FILE

PHOTO FILE

Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo xalay lagu qabtay Madaxtooyadda Soomaaliya,ayaa lagu magacaabay guddi heer  Wasiirro ah oo lagu sheegay inay  baadhitaan ku samayn doonaan sida uu u dhacay weerarkii aga fuliyay gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya isla markaana  la sheegay inay war ad ka keeni doonaan sida ay u suura gashay in gudaha Madaxtooyada ay Al-Shabaab weerar ka kuliyaan dadna ku dhex laayaan.

Qodobka labaad,ayaa ah  lagu sheegay in la faray dhamaan hayadaha amniga oo kala ah Wasaaradaha Gaashaandhigga,Amniga Qaranka iyo taliyeyaasha ciiddammada inay jawaab cada ka bixiyaan sida ay u dhacday in Weerarkii Madaxtooyadu u suura galo kooxda Al-Shabaab.

Qodobka sadexaad ayaa  lagu tilmaamay in Dawladda Soomaaliya ay ka shaqaysiinayso guddoomiyeyaasha heer degmo illaa xaafadeed isla markaana wada shaayn buuxda la yeelanayso dadweynaha ku dhaqan caasimadda  Soomaaliya ee Muqdisho.

Qodobada ka soo baxay kulanka aan caadiga ahayn ee ay  yeesheen masuuliyiinta Xukuummadda Soomaaliya,ayaa saamayn ku yeelan kara masuuliyiinta qaabilsan Ammaanka isla markaana sababi kara inay xilka waayaan oo shaqada laga fadhiisiyo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed