|

Dawladda Soomaaliya Oo Baadheysa Siduu U Dhacay Shilka Doontii Ay Ku Dhammaadeen Dhallinyarada Soomaalida Ah

Muqdisho 19.April 2016 (SDN/QJ): – Dowladda Somalia, ayaa ka hadashay Geerida ugu yaraan 200 oo Dhallinyaro Soomaali ah oo ay Dooni kula degtay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka Ambabaxay dalka Masar kuna socday dalka Talyaaniga.

Tahriibayaasha iyo doontii degtayTahriibayaashan Soomaalidaayaa waxay ka mid ahaayeen illaa 400 oo qof oo ay dooni ka qaaday xeebaha Waddanka Masar kuna socday Talyaaniga, balse kula dagtay badhtamaha Badweynta, halkaas oo ay intooda badan ku dhinteen.

 

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu qoysaska iyo ehellada dhallinyaradan Soomaalida ah uu uga tacsiyeynayo geeridii ku timid

“Waxay dhallinyaradan ka baxeen Soomaali oo dhan, waana arrin murugo leh in dhalinyaradeena ay safarradaasi khatarta ah naftooda ku waayaan,” ayuu ku yidhi Madaxweyne Xasan, isagoo intaas ku daray inuu shilkan muujinayo baahida loo qabo in la kordhiyo wacyi-gelinta ka hor-taga Tahriibka iyo safarrada khatarta ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay, “Inkastoo Waddanka ay ka jiraan Duruufo adag, haddana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed, Waaliddiinta iyo Dowladda Soomaaliya ay ka Wada-shaqeeyaan sidii loo hakin lahaa Safarradan khatarta ah ee Dhalinyaradeenna ay ku dhammaanayaan, lagana shaqeeyo in fursado loo abuuro dhallinyarada.”

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Somalia iyadoo la kaashaneysa Dalalka ay Arrintu khuseyso ay baadheyso sidii uu ku dhacay shilkan.

Comments are closed