|

Dawladda Soomaaliya oo amar ku bixisay in la xidho illaa 35-Website

SomaliaMuqdisho,9Nov,2015(QJ/SDN)-War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud Ee Soomaaliya ayaa lagu amray wasaarada Boostada iyo Isgaadhsiintu in la xidho 35 Website oo afka Soomaaliga lagu qoro.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa kusimaha xeer ilaaliyaha Dr Maxamuud Cabdi Xaaji Aadan ayaa waxa lagu sheegay in shabakaddahani ay faafiyaan waxyaabo anshax xumo ah kuwaas oo aan diiniyan wanaagsanayn.

Wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Soomaaliya wali kama hadal amarkan kaga yimid xeer ilaalinta guud ee dalka Soomaaliya.

Haddaba Halkan Hoose ka akhriso Amarka ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka

xer-1

 

 

 

 

 

xer-2

 

Comments are closed