|

“dawladda somaliland waxa ay ku dhisan tahay in ay iyadu shacbigeeda ka baqato, Ma aha xukuumaddani tii ay argagixiso, Baqe iyo Car ila Hadal ku wadi lahayd……” Marxuum Cigaal

Hargeysa:21-Sep-2013(SDN)-Taariikhda Sideedaba waxa loo sameeyey inay ku xasuusiso waxyaabo hore oo la soo maray, islamarkaana lagaga Gudbo Hagardaamooyinka iyo Turraaturrooyinka Nolosha ku dhereran.

cigaalHaddaba taariikhdu maanta waxa ay ina xasuusinaysaa erayo dhaxal-gal ah oo uu ka tegay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa nin ilaahay Haybad u siiyey Helitaanka hadalka, islamarkaana  ku xeel-dheeraa soo jiidashada quluubta shacabkiisa.

Marxuum cigaal  ayaa Khudbaddan uga dan lahaa inuu ku macneeyo  oo uu shacabka uu hoggaamiyaha u yahay  ku  hogo-tusaaleeye waxa ay dumuqraaddiyadda rasmiga ahi tahay, iyo waliba dhaqanka toolmoon ee looga Baahan yahay Hogaamiyaha fiican.

Madaxweyne Cigaal, ayaa shacabkiisa iyo caalamka kaleba u sheegay inay xukuumaddiisii xilligaasi ku dhisnayn rabitaanka iyo Doonista shacabka, maadaama ay dumuqraaddiyad sheeganayso, “Waxanu annagu ku dhisan nahay oo dawladdan   Dimuqraaddigga ah ee somaliland     ku dhisan tahay in ay  iyadu shacbigeeda ka baqato oo wuxuu doonayo yeesho, oo waxa uu ku raalli  noqonayo ku kacdo, oo ay ahaato tii ay iyagu  garab iyo gaashaan u ahaan lahaayeen.” Ayuu yidhi Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.

Marxuum Cigaal oo lagu tilmaamo inuu ahaa Aabihii  Dhidibada u taagay Dimuqraaddiyadda Somaliland, islamarkaana xariif ku ahaa qaabka  loola hadlo cidda xukunkiisa mucaaradka ku ah, ayaa khudbaddiisan hoosta kaga xarriiqay inaanay xukuumaddiisu ahayn mid shacbigeeda Baqdin gelisa oo  Aamusiisa, waxana uu yidhi, “Ma aha xukuumaddani tii ay argagixiso iyo Baqe iyo Car ila Hadal  ku wadi lahayd.”

Marxuum Cigaal, ayaa lagu xasuustaa inaanu ahayn siyaasi cabudhiya Shacabkiisa iyo mucaaradkiisa midna, waxana uu caan ku ahaa inuu mar walba  cod dheer ku sheego inuu soo dhaweynayo  cidda siyaasaddiisa saluugsan ee aan ku qancin Hoggaankiisa.

Sidoo kale waxa uu marxuumku caan ku ahaa Hadal kooban oo xikmad badan oo shacabka kaga soo jiidan jirey mucaaradka, isagoo aan hab qaawan u hadlayn, balse qaab suugaanaysan oo maldahan  ugu gudbin jirey Badheedhihiisa iyo rabitaankiisa.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.

Comments are closed