|

Dawladda Somaliland Oo Mawqif Adag Iska Taagtay Qorshaha Dawladda Turkiga iyo Soomaaliya Wadaan Ee Wada Hadalada DAAWO


Hargeysa,23Nov,2015(QJ/SDN)
-Dawladda Somaliland ayaa digniin adag ka soo saartay qorshaha dawladda Turkiga ee ah in madaxdhaqameedka lagu wareejiyo wada hadalkii Somaliland iyo Somalia, waxaanay shacabka iyo madaxdhaqameedka uga digtay in laga qayb galo shirkasta oo ku saabsan masiirka.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay inay dawladda Somaliland shirarkii Turkigu dhexdhexaadinayay u aragtay miday Somaliland kagala mid dhigaysay bulshada Kurdida ee Turkiga oo kale, sidaas darteedna Somaliland dib uga baxday qorshihii wada hadal.

Wuxuu wasiir Warancadde digniin adag u diray dawladda Turkiga iyo Somalia oo uu u sheegay inaanay soo faro galin arrimaha siyaasadda Somaliland. Waxa uu sheegay in Somaliland goosatay in dhexdhexaadin balaadhan oo dawladda caalamku goobjoog ka yihiin mooyee aanay shir Turki dib uga qayb gali doonin

 Halkan Hoose Ka Daawo, Shirka Jaraa’id Ee Wasiir Warancadde:

 

Comments are closed