|

Dawladda Somaliland Oo La Wareegaysa Wixii Hub ah ee Lagu arko Deegaanka Ceel afweyn iyo Cid kasta oo looga Shakiyo inay Hurinayso Colaad Beeleedkaas + Ciidanka Qaranka oo Jiidaasi tegay DAAWO

Ceel-afweyn 27. July 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Gobolka Sanaag, ayaa digniin u diray Dadka ku dhaqan Deegaannada Degmada Ceel Af-weyn ee ay dhawaan labada Beelood ee Walaalaha ahi ku dagaalameen.

Maamulka Gobolka Sanaag, waxay sheegeen in Ciidammada Qaranku ku amran yihiin in Cid kasta oo lagu qabto Hubka noocyadiisa kala duwan laga qaadayo Tallaabo Sharciga waafaqsan isla-markaana lagala wareegayo Hubka.

 

Sidaana waxa sheegay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sanaag Naaleeye Axmed Sheekh oo Dib ugu laabtay Magaalada Ceerigaabo, ka dib Safar uu maaalmihii u dambeeyay ku joogay Tuulada Dararweyne oo Shaqaaqo ku dhex martay Laba Beelood oo Walaalo ah, shaqaaqadaasi oo ay ku naf-waayeen illaa 7 Rag oo ka kala tirsanaa Maleeshiyo-beeleedyada Dagaalamay, waxaana ku dhaawacmay illaa 18 kale oo labada dhinac ah.

 

Badhasaab ku-xigeenka oo ugu horreyn ka hadlaya xaaladda Wakhtigan ee Deegaanka Dararweyne ee dhibaatadu ka dhacday ayaa yidhi “Deegaanka Shaqaaqadu ka dhacday markii hore wuu kacsanaa, laakiin intii Dawladda iyo Ciidammada Qaranku ay tageen Gacan bir ah ayaa lagu qabtay, wayna deggan tahay Xaaladdu oo Dawladda ayaa Gacanta ku haysa.”

 

Mr. Naaleeye, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu shaaciyey Awaamiir wax lagaga qabanayo Xaaladda Amniga ee Degmada Ceel Af-weyn, “Dawladdu waxay wadda Hub ka dhigis, Hubkii Cid lagu qabto Dawladda ayaa la wareegaysa, Ciddii Hub sidata waa lagala wareegayaa, Ciddii Shaqaaqadaa ku jirtana waxa laga qaadayaa Tallaabo Sharciga waafaqsan..” ayuu yidhi.

 

Dhanka Kale Wasiirul Dawlaha amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa Sheegay in Ciidamadda Qaranku gaadheen Deegaanka Ceel afweyn isla markaana ay dadweynuhu si wanaagsan u soo dhaweeyeen.

Comments are closed