Dawladda Somalia Oo Ka Noqotay Magac ay Dhawaan Ururka Al-shabaab u Bixisay Kadib Markii Cid Adeegsata la Waayey
Muqdisho:June,13,2015(SDN/QJ)-Kadib cadaadis ay Dawladda Federal-ka Somalia dhawaan saartay Saxaafadda iyo Shacabka soomaaliyeed oo la xidhiidhay in Kooxda Al-shabaab loogu yeedho UGUS, ayey markale ku dhawaaqday inay Gebi ahaanba ka noqotay Go’aan hore.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah Wasiirka warfaafinta Somalia ayaa warbaahinta ka shaaciyay in DF ay dib uga laabatay go’aankii ahaa in Maleeshiyada Al-shabaab loogu yeedhaayo UGUS oo loo soo gaabiyay ”Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed”.
Waxa uu Wasiirku sheegay in Dowlada Federaalka ah ee Somalia aanay qeybaha kala duwan Bulshada ku cadaadin doonin isticmaalka Erayga UGUS, waxa uuna sheegay in go’aankaasi ay dib ula laabatay Dowlada.
Go’aanka Al-shabaab loogu wanqalay UGUS, ayaa waxaa markiisii hore uu ka soo baxay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia Cabdiraxmaan Tuuryare kaasoo saxaafada ku amrey inay hadda kadib Maleeshiyada Al-shabaab ugu yeedhaan UGUS.
Waxyar kadib markii Dawladdu sheegtay inay Al-shabaab u bixisay Magaca Ugus, ayey Shabaabka laftoodu magacaas Dawlada u adeegsadeen iyagoo kasoo gaabsaday Ururka Gumaynta Umadda Soomaaliyeed(usus).
Go’aanka dib ugu laabashada Dowlada Federaalka ayaa muujineysa awoodaha Maleeshiyaadka Al-shabaab, kadib markii ay Dowladu ku gacanseydhay inay dhaqan galiso go’aankaasi.
SDN/QJ