|

Dawladda Somalia Oo Jawaab Ka Bixisay Amarkii Kenya Ku Soo Rogtay Qaxootiga Soomaalida ah

Muqdisho:27-March-2014 (SDN)-Dawladda Somalia, ayaa si Cadho lehh uga jawaabtay Amar ka soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya oo ay Qaxootiga somalida ee Dalkeeda ku sugann inay iska Xaadiriyaan Xeryaha Qaxootiga.

siisiDanjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur oo Xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga naxeen hadalka ka soo baxay Kenya wuxuuna ku tilmamaay mid aaney la ogeyn dowladda Soomaaliya iyo hey’adda qoxootiga QM u qaabilsan ee UNHCR.

 

Waxa uu sheegay in wax suura gal ah aaney  ahayn in Soomaalida dhan ee ku  Nool magaalooyinka lagu wargeliyo inay xeryaha qoxootiga Kenya Galaan, halkaas oo markii horeba ay Buuxdhaafiyeen Dadkii ku jirey.

“Arrintan shaley ayaan maqalnay, waxaana markii ay soo baxday anniga iyo shaqaalaha safaaraada xidhiidho la sameynay madaxda Kenya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda iyo dowladda Soomaaliya, berri waxaa imaanaya Nairobi wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle, isagoona la kulmi doona wasiirka arrimaha dibedda Kenya Amiina Maxamed, waxaana ay kaha hadli doonaan arrinta soo korodhay” ayuu yidhi Maxamed Cali Nuur.

Hadalkan Danjiraha ayaa ku soo Beegmaya Xilli ay Dawladda Kenya Amar ku siisay Dhammaan Dadka Somalida Qaxootiga Dalkeeda ku Sugan Gaar ahaan kuwa Ka Baxsan Goobaha Xeryaha u ah Dadkaas inay dib ugu soo Noqdaan Xeryahaas, taas oo aan u muuqan mid  dhici karta maadaama ay Xeryahaasi Haatan buuxaan.

Dhinaca kale, hey’addaha HRW iyo Refuge Concern ayaa cambaareeyay hadalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya waxaana ay ku tilmaamay in uu yahay mid nacayb iyo Qalalaase hor leh abuuraya.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed