Dawladda Ruushka Oo Ka Baxday Maxkamadda Caalamiga Ah Ee ICC,Maxaa Keenay?
Moscow 18. November 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Ruushka ayaa ka baxday Maxkamadda Caalamiga ah ee Adduunka, sida lagu sheegay Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha dalkaasi Vladimir Putin oo la shaaciyey.
Madaxweynaha Ruushka ayaa Wareegtada uu soo saaray ku ku sheegay in Dalkiisu ka baxay isla-markaana aanu xubin ka sii ahaanayn Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC oo fadhigeedu tahay magaalada The Hague ee dalka Holland.
Maxkamada ICC ayaa lagu dhisay heshiiskii Rome Statute ee sanadkii 1998, waxaana dhismaha Maxkamada saxeexay in ka badan 100 waddan oo xubno ka ahaa, waxayna shaqadeeda bilowday sannadkii 2002.
Maxkamadda ayaa waddamada Heshiiska lagu aasaasay Saxeexay ku heshiiyeen inay noqoto Maxkamad awood u leh inay Qaaddo Dacwadaha ka dhanka ah xitaa Madaxweynayaasha Dalalka Adduunka ee heshiiska lagu aasaasay saxeexay, haddiiba ay galaan Dambiyo dagaal, sida Xasuuq iyo wixii la mid ah.
Qoraalka uu Ruushku ku sheegay inuu ka baxay Maxkamadda ICC, ayaa War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay lagu sheegay in Ruushku uu dambiyo Dagaal ka geystay Gobolka Crimea ee Dalka Ukrain, sidaa darteedna uu Madaxweynuhu Ruushku ka sii hor-tagayo in Maxkamaddu dambiyadaa ku qaaddo.