|

Dawladda Muqdisho oo soo Bandhigtay Qorshe Qarsoodi Isugu Milaya Muwaadiniinta Somaliland iyo Soomaaliya ee Ka Hawl-gala Hay’addaha Caalamiga ah

Hargeysa Oct 15,2012 (SDN/Hubaal)- Qaar kamid ah Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada midoobey oo kaashanaya dawladda Soomaaliya loo sameeyey ayaa bilaabay qorshe la isku milayo shacabka reer Somaliland iyo dadka aan u dhalan ee asal ahaan ka soo jeeda Koonfta Soomaaliya.

Qaar kamid ah Hay’addaha ka hawl gala dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya ayaa xilligan ku gudo jira isku shaandhayn  dhinaca shaqaalahooda ah, gaar ahaana kuwa muqdisho jooga  u soo wareejinaya Somaliland halka saraakiisha iyo xubnaha  reer Somaliland ee Hay’addahaasi ka hawl gala loo wareejinayo Muqdisho iyadoo loo ballanqaaday Dallacsiin iyo Mushahar kordhin.

Sida ay wargeyska Hubaal u sheegeen aqoonyahano u dhashay Somaliland oo ka hawl gala mid kamid ah Hay’addaha Caalamiga ah ee Hargeysa oo ka gaabsaday in Magaciisa la xuso, tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe dhawaan dawladda cusub ee soomaaliya u soo bandhigtay Beesha Caalamka gaar ahaana Hay’addaha samo falku inay saraakiisha Somaliland u ka hawl galiyaan Muqdisho halka kuwa soomaaliya ka hawl galana la keeno Somaliland si aan loo kala qaloon oo ay iskugu milmaan labada dal iyo dadkoodu.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in saraakiisha reer Somaliland ay hay’addahani mid-mid ula soo xidhiidheen iyaga oo ka codsaday in shaqadiisa loo wareejiyo Xamar, taas beddelkeedana loo ballan qaaday in sarkaal kasta Mushaharka uu qaato looga dhigayo 12 kun oo dollar ($12,000)..

Isku milankan qarsoon ee Haatan Dawladda Maamulka gacan ku rimiska ah ee Soomaaliya u adeegsanayo Caalamka ayaa ku soo beegmaya xilli bulshada Somaliland dunidda tusayso xabaal wadareedyo ay ku aasan yihiin maatidii taliskii Soomaaliya uu xasuuqay iyo bulshadii tacadiyada kala duwan loo gaystay.

Dhinaca kale tallaabadan isku Milanka ahi waxa ay xusuusinaysaa  dadka  Somaliland  dhawr iyo afartan sannadood ka hor markii dawladdii Soomaaliya ay bilowday hawl galkii laysku beddeli jiray shaqaalaha iyo ciiddamadda iyadoo looga dan leeyahay in lays dhex geliyo bulshada gaar ahaana  gobolladdii waqooyi (Somaliland) la dhalan rogo. Markii uu dhacay inqilaabkii uu hoggaaminayay Col. Xasan Cabdi Walanwal (Xasan-Keyd) ayaa dawladdii waqtigaas ka talinaysay Soomaaliya waxa ay bilowday qorshe siyaasadeed oo lagaga hor tagayo in gobollada ay ka hawl galaan dadka u dhashay, kadibna waxa la dejiyay siyaasad markii dambe midhaheedu noqdeen in xasuuq loo gaysto bulshada Somaliland, lagana dhiidhiyo tacadiyadii lagu hayay iyadoo markii dambe ay siyaasaddaasi sababtay in uu abuurmo Halgankii hubaysnaa ee SNM.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed