Dawladda Masaarida Oo Saldhig ay Al-shabaab Kala Dagaallanto Ka Furatay Dalka Uganda
Kambala:Aug,29,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Militeriga ah ee Dalka Masar ka arrimisa, ayaa la sheegayaa inay xarun ay ka abaabusho dagaallo ay Al-shabaab ku qaaddo ka furatay Xarunta Dalka Uganda ee Kambala.
Wargeyska Al-Fajri ee ka soo baxa Masar ayaa qoray Khamiistii shalay ahayd in dowladdaha Masar iyo Uganda ay gaadheen heshiis ku qotoma la dagaallanka kooxda Al-Shabaab ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida.
Munaasabadda lagu daah furaayay saldhigga ayaa waxaa ka qeybgalay wakiilo ka socday dalalka Maraykanka, UK, Belgium iyo Itoobiya sidaas waxaa qoray wargeyska.
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay xoojin doonto ka hor tagista khatar kasta oo uga timaada kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.
Uganda ayaa ah dalka ciidanka ugu badan ugu deeqay howgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasoo dagaallo xooggan kula jirta Al-Shabaab.
Dowladda Masar ayaa hadda u muuqata mid calaaqaad la yeeleneysa waddamada geeska Afrika, gaar ahaan Somalia, waxana ay cabsi xoogan ka qabtaa in Kooxaha islaamiyiinnta ee dalkeedu xidhiidh iskaashi la yeedhaan DHiggooda Al-shabaab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com