|

Dawladda Mareykanka ayaa ka digtay in Itoobiya aanay ku xadgudbin xaaladda degdega ah ee ay soo rogtay maalintii Axadda

Washington 13.October 2016 (SDN/QJ):-Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in ay tahay in dowladdu ay kala caddeyso sida ay ku doonayso inay ku dhowrto xuquuqda dadka rayidka ah lixda bilood ee uu socdo xukunka degdega ah., Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqday dowladda inay dadka u ogolaato xorriyad ay ku dibadbaxaan.

 

dibadbaxayaasha-itoobiyaMareykanka ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee codkiisa ku biiriyay walaaca laga qabo xukunka degdega ah ee ay dowladda Itoobiya dalkaasi ku soo rogtay. Arrintan ayaa timid kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo qalalaase watay oo loogaga soo horjeedo dowladda oo ay ku dhaqaaqayeen labada qowmiyadood ee ugu ballaadhan bulshooyinka dalka. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ka digay in dowladda ay cabudhiso dadka dhaliila ay sii xumeyn karto oo kaliya xaaladda haatan dalkaasi ka taagan.

 

Qeyb ahaan xukunka degdega ah ee ay dowladda Itoobiya soo rogtay ayaa waxaa ka mid ah milateri loo daadgureeyay magaalooyinka dalka iyo isu soo baxa dadweynaha oo la mamnuucay.

 

Boqolaal qof ayaa dhintay tan iyo markii ay dibadbaxyadu dalkaa ka bilowdeen Nofeembartii la soo dhaafay, dowladduna waxa ay qirtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadu ay sii kordhi karto oo ay gaadhi karto ilaa iyo 500.

Comments are closed