Dawladda Maraykanka Oo Ka Hadashay Weerarkii Villa Somalia, Taageero Buuxdana u Ballanqaaday Shacabka iyo Dawladda Somaliyeed
WashingtonDC-22-Feb-2014(SDN)-Waxa isa Soo Taraya Dawladaha Cambaaraynaya Weerarkii Qorshaysnaa ee Shabaabku Shalay KU Qaadeen Xarunta Somalia, waxana Ugu Dambaysay Maraykanka oo Si weyn u Cambaaraysay Wixii ka Dhacay Madaxtooyada.
Dawladda Maraykanka ayaa si Kulul u cambaaraysay Weerarkaas, waxana ay si weyn u hambalyeysay Ciidamada Dawladda iyo KUwa AMISOM oo Si weyn uga Hortagay Weerakaas Shalay dhacay.
Hadal qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Dowladda Maraykanka si xooggan u cambaareysay weerarkii ay Xarakadda Alshabaab shalay ku qaadeen Qasriga Madaxtooyadda Somalia ee magaalladdan Muqdisho.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo kuwii la jeclaa ee lagu dilay weerarkaasi, waxaana u rajeynaynaa kuwa dhaawacmay bogsiimo degdeg ah” ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.
Dowladda Maraykanka waxay kaloo aad uga hadashay tallaabadda degdeg ah ee ay Ciiddamadda Somalia ee taageeradda ka hela Ciiddmadda AMISIM sida ay u awoodeen inay sugaan ammaanka Villa Somalia, wax yar kadib, markii ay Alshabaab weerarka soo qaadeen.
“Weerarkii madaxtooyada Somalia, waxa uu mar kale inoo xaqiijiyey hal arrin oo ah in Al-Shabaab taagan yihiin oo keliya dhimashadda iyo burburka iyo inay Alshabaab ka soo horjeedo Ummadda Soomaaliyeed ee dadaalka ugu jira dhismaha Ammaan buuxa iyo inay gaaraan Mustaqbal guuleysta” Ayaa lagu yidhi Qoraalka ka soo baxay Maraykanka.
“Dowladda Maraykanka sii wadayso taageeradda ay siiyaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Dowladaba si ay dib ugu dhistaan dalkooda, iyadoo kuwa dhabaha u istaaga horumarka Somalia aysan guuleysan doonin” ayaa lagu soo gebagebeeyey War-saxaafadeedka ay Dowladda Maeaykanka ka soo saartay weerarkii ay Xarakadda Alshabaab la beegsadeen afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyadda Somalia ee Villa Somalia.
Dhambaalada Bulshada Caalamku ku cambaaraynayso Weerarkaas ayaa iska Soo Daba dhacaya, waxana Dawladda Somalia ay Guddoomaysaa Tacsiyaha iyo Taageerada Bulshada Caalamku u muujinayso.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com