Dawladda Madaxweyne Trump ee Maraykanka oo Go’aansatay inay Ka Baxayaan Heshiiskii Wax ka qabashada Cimiladda Adduunka & Sababaha ay Cuskanayaan
Paris 02. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa si rasmi ah u go’aansaday inay Maraykanku ka baxayaan heshiiskii wax ka qabashada cimilada adduunka ee Paris, sida ay baahisy mareegta Axios the news oo inta badan u dhuun daloosha dhacdooyinka ka socda aqalka cad gudihiisa.
Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay heshiiskii cimilada ee Paris, khiyaamo loo maleegay umadda Marayknka, waxana uu diiday in uu heshiiska dhaqangeliyo, iyadoo bulshada caalamka inteeda kale u aragto heshiiska wax ka qabashada isbedelka cimilada mid ahmiyad weyn u leh mustaqbalka guud ee Dunida.
Heshiiskan oo ay in ka badan 200 dawladood ku saxiixeen Magalada paris sanadkii 2015 ayaa waxa uu ka digayaa korodhka diirimaadka cimilada dunida waxana uu ku talinayaa in hoos loo dhigo qiiqa wershadaha iyo waxyaabaha kale ee taageeraya inay cimiladu sii kululaato, hawaduna sii wasakhowdo.