|

“Dawladda Maanta Joogta waxan ka codsanayaa inay Joojiso hadimada ay ku hayso Hiddo-dhawr, Haddii ay aad derejo ku gaadhaysaan eray aad Sahra tidhaahdaanna waa idiin fasax,” Sahra Halgan

Hargeysa:Dec,17,2014(SDN/QJ)-Muj. Sahra Halgan oo kamid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqday inay Ka Dayso Hagardaamo iyo dhibaato badan oo ay ku hayso sida ay sheegtay.

halganSahra Halgan oo ah mulkiilaha Xarunta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Hiddo-dhawr, ayaa Muuqal ay iska soo duubtay ku muujisay Dhibaatooyin hoose oo ay xukuumaddu ku Hayso, waxana ay codsatay in laga daayo canjarafaynta Hoose ee ay ku hayso,

“Dawladda Maanta Joogta waxan ka codsanayaa inay hadimada iga dayso oo ay joojiso waxyaabaha ay ku hayso Hiddo-dhawr, waayo mar dumar baad tv-ga iisoo fadhiisiseen, aniga dumarku sharaf bay iga mudan yihiin, Haddii ay aad derejo ku gaadhaysaan eray aad Sahra tidhaahdaanna waa idiin fasax,” ayey Tidhi Sahra Halgan.

Sahra Halgan waxa ay tilmaamtay in Xaruntaas Hiddo-dhawr ay tahay Goob shacabka Somaliland oo dhan ka dhaxayso, waxana ay daaha ka fayday in qaar kamid ah dadka xukuumadda  ka shaqeeyaa ka cabsoodaan inay Xaruntaas Tagaan iyagoo shaqadooda u baqaya, iyadoo ugu dambayntiisa Mujaahidad Sahra Halgan codsi gaar ah u dirtay Madaxweynaha Somaliland, waxana ay tidhi,

“in dadka qaarkii oo dawladda u shaqeeyaa ay ka baqaan inay Hiddo-dhawr soo galaan, waxan codsanayaa in madaxweynuhu ii ogolaado Dhulka Hargeysa Club ka Bannaan si aan Hiddo-dhawr uga dhigo.”

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed