Dawladda Kuwayd oo Dil Deldelaad ah ku fulisay Toddoba Qof oo Midkood Qoyska Boqortooyada ka tirsanaa
Kuwait 27. January 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Boqortooyada Kuwait, ayaa deldeshay Toddoba Maxbuus, waana markii u horraysay ee ay dawladdu dil fuliso tan iyo 2013-kii, Dadkaasna waxaa ka mid ahaa Qof Qoyska Boqortooyada ka tirsanaa.
Waxaa lagu deldelay Xabsiga dhexe sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee dawladda Kuwayd ee Kuna. Qofka Qoyska Boqortooyada ka tirsan, ayaa lagu sheegay Faysal Cabdallah Al Jaber Al Sabax, waxaana lagu helay in uu dil geystay, Hub sharci-darro ahna haystay.
Dadka kale ee la dilay, waxay u kala dhasheen Itoobiya, Masar, Filibiin iyo Bangaladhesh. Waxaa loo dilay dembiyo kala duwan oo ay geysteen, waxaana ka mid ah dil, isku day dil, afduubasho iyo Kusfsi. Faysal oo Qoyska Boqortooyada ka mid ah, ayaa lagu helay dembi ah in uu dilay Qof kale oo Qoyska Boqortooyada ka tirsan sannadkii 2010-kii.
Tifaftiraha Bariga Dhexe ee BBC Sebastian Usher oo aannu Warkan ka soo xigannay, waxa uu sheegayaa in ay naadir tahay, balse aanay ahayn arrin cusub in dalalka Khaliijku ay xidhaan amaba deldelaan Dad ka tirsan Qoysaska Boqortooyada. Waxa uu intaas ku daray in taasi ay caddayn u tahay in Qofina aanu sharciga ka sarraynin.
Xubnaha Boqortooyada ee hore loo deldelay waxaa ka mid ahaa; Nusra al-Enezi, oo reer Kuwayd ahaa oo lagu helay dembi ah in ay Dab qabadsiisay Taandho lagu dhigayay Arooska Ninkeeda oo Xaas labaad guursanayey, waxaana ku dhintay 50 Qof oo kale.
Dadka kale la deldelay wakhtigan waxaa ka mid ahaa; laba Ruux oo Shaqaale Guri ahaa oo ku kala dhashay Itoobiya iyo Filibiin, kuwaas oo lagu helay in ay dileen Xubno ka tirsan Qoysaskii ay u shaqaynayeen.