Dawladda Kenya Oo Qiratay In Guddoomiyaha Deegaanka Wajeer Ka Badbaaday Weerar ay Xarakada Al-shabaab Ku Qaadeen Xaruntiisa
Nairobi:April,29,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Kenya, ayaa qirtay in Guddoomiyaha Degmada Wajeer uu ka Badbaaday Weerar qorshaysan oo xubno Al-shabaab katirsani kusoo qaadeen Xaruntiisa.
Jeneraal Joseph Boinet oo ah taliyaha Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in sedax dagaalyahan oo islaami ah ay dharaar cad weerar ku qaadeen degmada Wajeer balse iska caabin adag oo ay kala kulmeen ciidanka Booliska ay u suurtaga geli wayday in ay dilaan gudoomiyaha wajeer waa sida uu sarkaalku sheegaye
Xarakada Al-Shabaab ayaa sii laba jibaartay weeraradeeda ka dhanka ah dowladda Kenya iyadoo weerarkii xalay uu kusoo aadayo xilli isbadal lagu sameeyay inta badan maamulka iyo saraakiisha dhulka Soomaalida.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com