|

Dawladda Kenya oo joojisay in ardayda ka soo jeeda Somalia & Itoobiya dalka wax ka bartaan

Nairobi June 15,2015(SDN/QJ)-Dawladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay gabi ahaanba ardayda ka soo jeeda dalalka Somaliya & Itoobiya ee wax ka barta dalka Kenya.

Wasaaradda waxbarashada dalka Kenya ayaa go’aan ka soo saartay in ay joojiyeen arday ka socota dalalka Somaliya & Itoobiya ayaga oo sheegay kuwa hadda dhigtay ay dhamaysanayaan wax barashadooda balse aan la aqbalaynin arday cusub oo doonaysa in ay Kenya wax ka bartaan.
Dawlada Kenya ayaa sidoo kale dhawaan xanibtay duulimaadyo dalkooda ka tegi jiray dalka Soomaaliya.

Lama sheegin sababta dhabta ah ee ay dawladda Kenya u qaadatay go’aankan culus ee aan horay loo sii shaacinin.

Dawlada Kenya ayaa maan daro ka soo wejahaday Soomalaiya ka dib ay faro gelin ciidan ku sameeyeen Konfurta shishe ee Soomaaliya.

Ciidamada Keenya ayaa dhawrkii sano ee u danbeeyay dagaal kula jiray meliishaadka Shabaabka oo ay isku wejahayeen gudaha Kenya iyo Soomaaliyaba.

SDN/QJ-Nairobi

contact@qurbejoog.com

Comments are closed