Dawladda Jarmalka oo Ku Baaqday in Joojiyo Go’doominta Wadanka Qadar
Barline 11. June 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Jarmalka, ayaa ku baaqday in dedaalo diblomaasiyaddeed lagu xaliyo dhibbaatada sii kordheysa ee Qatar taasi oo dalal ka mid ah wadamada Carabtu ay ku soo eedeeyeen in ay maalgeliso aragagaxisada isla mar ahaantaas na ay u jareen xidhiidhadii diblomaasiyaddeed ee ay la la haayeen.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Mr.Sigmad Gabriel oo hadlay ka dib markii uu marti-geliyey dhiggiisa Qatar, ayaa ku baaqey in la qaado xayiraadaha dhinacyada badda iyo Cirka ee la saaray wadanka Qadar, waxaana uu soo jeediyey in wixii khilaafaad ah ee dhex-yaalana lagu dhammeeyo hab diblomaasiyaddeed.
“Waxaannu haatan ku qanacsannahay in la joogo saacaddii diblumaasiyadda, oo waxaa qasab ah inaannu wadahadalno; iyadoo ay joogaan saaxiibadayada Ameerikaanka iyo saaxiibadeenna gobolka, waa inaannu iskudayno inaan xal gaarno, gaar ahaan waa in la qaado xayiradaha badda iyo cirkaba,”.Ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalku.