|

Dawladda Jabuuti oo ka digtay Halis ay Al-Shabaab ku waxyeellaynayso doorashooyinka Soomaaliya

Jabuuti 01. November 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ka dig halis ay sheegtay inay Kooxda Al-Shabaab la maaggan tahay inay ku waxyeellayso doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

wasiirka-arrimaha-dibedda-djibouti-maxamed-cali-yuusufWasiirka Wasaarrada arrimaha dibedda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa muujiyay werwer dawlad ahaan ka qabaan in Al-shabaab meelaha qaar caqabad ku noqdaan hanaanka doorashada, iyaga oo tijaabinaya awooddooda.

 

“’Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab waxaa ay qorsheynayaan in ay naafeeyaan hab sami u socodka howlaha doorashada, iyaga oo xoojin doonan weerarada ka dhanka ah ciidammada AMISOM, kuwa dawladda iyo xarumaha muhiimka ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti.

 

Wasiirka oo Waraysi siiyey Jariiradda Horn Afrika, ayaa sheegay in Ciidammada dalkiisa ka jooga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya ay dhammaadkii toddobaadkii tegay la kulmeen weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen saddex Askari oo ay Al-Shabaab ku qaadday Xero Ciidanka Jabuuti ku leeyahay gudaha Baladweyne.

 

Dawladda Soomaaliya iyo Ciidammada AMISOM ayuu Wasiirku ku boorriyay in ay ka foojignaadaan qorshayaasha Al-shabaab. Waxaanay Kooxda Al-Shabaab hore ugu hanjabtay inay weerarro lagu hoobto ku qaadi doonta goobaha doorashada Soomaaliya 2016-ka.

Comments are closed