|

Dawladda Itoobiya oo Awaamiir Cusub ku soo rogtay Siyaasiyiinta kana Mabnuucday Safarrada & Qodobbo kale

Addis Ababa 17.October 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa daboolka ka qaaday qawaaniin cusub oo ay soo rogtay, kuwaasoo qeyb ka ah xaaladda deg-degga ah ee lagu dhawaaqay toddobaadkii tegay kaddib bilo dibadbaxyo rabshado watay dalkaas ka socdeen.

ethiopia-oo-shaacisayDiblomaasiyiinta ayaan loo oggolaan inay Addis Ababa wax ka badan afartan kiilomitir safar ah uga baxaan, waxaana lagu soo rogay bandoow Wershadaha, Beeraha iyo Hay’adaha dawladda.

 

Hubka iyo Walxaha qaraxa keena, ayaa laga mamnuucay meelaha Xuduudaha iyo waddooyinka waaweyn oo la sheegay inay yihiin aagagga cas. In xidhiidh la sameeyo wax lagu sheegay dibedda, ayaa iyana la mamnuucay.

 

Boqollaal Ruux, ayaa ku dhimatay dibedbaxyada labada Qoowmiyadood ee Itoobiya ugu badan ee Oromada iyo Axmaarada oo sheega in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la riixo oo aan waxba looga oggolayn talada iyo hoggaaminta dalka Itoobiya inay door muuqda ku yeeshaan.

Comments are closed