|

Dawladda Ingiriiska Oo Si Taxadar Ka Muuqdo Uga Hadashay Dib U Dhaca Ku Yimid Wada Hadalada Somaliland iyo Somaliya Ee Turkiga

London, 16,6,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Ingiriiska, ayaa si uu taxadar badani ka muuqdo waxa ay uga hadashay dib u dhaca ku yimid wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee la qorsheeyay inay Turkiga ka qabsoomaan 31 May, kuwaas oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo garanayn sababta dib u dhaca keentay.

1

Wasiirka Afrika iyo waddamada Barwaaqo-sooranka u qaabilsan Ingiriiska, Mr. James Duddridge, oo dhawaan ay Baarlamaanka Ingiriisku su’aalo weydiiyeen, ayaa waxa su’aalaha la weydiiyay ka mid ahayd mid ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Xildhibaan Stephen Doughty, ayaa wasiirka weydiiyay wuxuu xog ka hayo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee uu Turkigu fududeeyay, waxaanu wasiir James Duddridge si taxadr ka muuqdo ugu jawaabay “Wejiga labaad ee wada hadalada uu Turkigu fududeeyay ee dawladda Somaliya iyo Somaliland waxay ahayd inay qabsoomaan 31 May, laakiin waxaanu ognahay inay dib u dhaceen.” ayuu yidhi wasiirka oo intaas raaciyay “Waxaanu rajaynaynaa inay dhawaan sii socon doonaan wada hadalada oo ah dedaal kor loogu qaadayo wada hadal daacad ah iyo iskaashi.”

Comments are closed