Dawladda Ingiriiska oo Gaadiidka Dagaalka ugu Deeqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Sida loogu hawlgali doono
Muqdisho 21.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gaadiid dagaal oo ay dawladda Britain ugu deeqday dhiggeeda Soomaaliya, ayaa Danjiraha dawladdaas u fadhiya Muqdisho Harriet Mathews ku wareejiyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Jen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, kuwaasoo loogu talo-galay inay ku hawgalaan Ciidammada Xoogga dalku.
Kulanka lagula kala wareegay Baabuurtaas Ciidan ee dawladda Ingiriisku ugu deeqday dawladda Soomaaliya oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho, wuxuu ka sheegay Wasiirka Gaashaandhiggu inuu ku faraxsan yahay taageerada Gaadiid ee Ingiriisku ku caawiyey, waxaanu intaas ku daray in taageero kasta oo Ciidammada Soomaaliya la siiyo loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dawliga ah ee difaaca dalka.
“Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa Xukuumadda Ingiriiska oo mar walba nala garab-taagan taageero. Gaadiidkan waxaan u isticmaali doonnaa sidiii Ammaanka loo soo soo celin lahaa, waana bilaw cusub oo aannu uga mahad-celinayno Ingiriiska.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya Jen. Maxamed Aadan Axmed oo isagana goobta ka hadlay, ayaa xusay in Gaadiidkaas ay dawladda Ingiriisku ugu deeqday Ciidammada uu yimi xilli ay jirtay baahi weyn oo loo qabo in Ciidanka laga caawiyo ama laga dhiso dhinaca Gaadiidka dagaalka. Waxaanu u mahad-celiyey Danjiraha Britain u fadhiya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Safiirka dawladda Britain ee Soomaaliya Harriet Mathews, ayaa iyaduna waxay sheegtay in taageeridda Xukuumadda Ingiriisku uu siinayo Soomaaiya ay ka tahay daacad; isla markaana ay xoojin doonaan taageerada ay siinayaan Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya.