|

Dawladda Ingiriiska oo Bayaamisay Mawqifkeeda la Xidhiidha Mustaqbalka Somaliland

London 16.Sep 2015 (SDN/QJ)- Boqortooyadda Ingiriiska, ayaa bayaamisay mawqifkeeda rasmiga ah ee siyaasadooda ku waajahan meeqaamka dawladnimo ee mustaqbalka dalka Jamhuuriya Somaliland.

Wasiirka-iyo-xildhibaanka-300x121Wasiirul-dawlaha Ingiriiska u Horumarinta Caalamiga ah iyo Arrimaha Afrika ee Britain Mr. Grant Shapps, ayaa sheegay in mustaqbalka dawladnimo ee Somaliland yahay mid khuseeya Soomaaliya iyo dalalka Afrikaanka ee dariska la ah.

 

Mudane ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo la yidhaa Jeremy Lefroy, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta xidhiidhka bulshada ee uu ku leeyahay internet-ka oo Jamhuuriya soo xigtay shalay, waxa uu ku sheegay inuu wasiirka weydiiyey su’aal ahayd; “Waa maxay siyaasadda dawladda UK ee ku wajahan mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland?

 

Wasiirul-dawlaha Ingiriiska u qaabilsan horumarinta caalamiga ah iyo Arrimaha Afrika Mr. Grant Shapps oo su’aashaas ka jawaabay waxa uu yidhi; “Siyaasadda dawladda UK ee ku aaddan mustaqbalka siyaasadeed iyo heerka dawladnimo ee Somaliland waa mid u yaal in Soomaaliya iyo Somaliland go’aan ka gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka, iyadoo sidoo kale dalalka dariska la ah ee Gobolka Geeska Afrika ay tahay inay hormuud ka noqdaan aqoonsiga heshiis kasta oo la isla qaato ama in wax laga beddelo heerka (Somaliland iyo Soomaaliya) hadda yihiin.”

 

Mudane Jeremy Lefroy waxa uu baarlamaanka UK xubin ka ahaa ilaa sannadkii 2010, isagoo ka soo jeeda Xisbiga Conservative-ka oo ah xisbiga ugu aqlabiyadda badan baarlamaanka, gaar ahaan Golaha Wakiillada (House of Commons), waxana hoggaamiya Ra’iisal-wasaare David Cameron.

 

Xisbiga muxaafidka ee Conservative-ku waxa uu aqalka wakiillada ku leeyahay 330 mudane, iyadoo tirada guud ee golahaasi yahay 650 mudane, halka uu sidoo kale 224 xildhibaan ku leeyahay Golaha Odayaasha (House of Lords) oo ka kooban 775 mudane, waxaannu baarlamaanka Midowga Yurub oo tiradiisa guud tahay 73 mudane ugu jira 20 xildhibaan, waana xisbi ballaadhan oo saamayn ku leh siyaasadda Boqortooyadda Ingiriiska iyo Midowga Yurub, isla markaana gacan ka gaysan kara aqoonsiga Somaliland haddii olole xooggan laga dhex bilaabo mudanayaasha ugu jira baarlamaanka UK.

Xigasho Wargayska Jamhuuriya

Comments are closed