Dawladda Holland Oo Soomaali Magan-gelyo Doon ah Ku Celinaysa Soomaaliya
Amsterdam:16-Sep-2013(SDN)- Dowladda waddanka Holland ayaa ku jirta Gebagebada ololeheeda ay dalkeeda kaga saarayso soomaali sharci la’aan ku jooga dalkeeda.
Iyadoo ay tallaabadan lagu celinayo si kulul u cambaareeyeen jaaliyadda soomaalida ee dalkaasi ku sugan iyo Hay’adaha qaramada midoobay u qaabilsan xukuuqda bani’aadamka, haddan xukuumadda Holland kama ay tanaasulin Go’aankaas ay hore u qaadatay.
Mahdi Ibrahim Geeddi oo ka mid ah magangelya-doonkaas ayaa maanta ah 16/09/2013 si qasab ah looga duulin doonaa garoonka dayuuradaha Schipol, waxaana uu ku wajahan yahay magaalada Muqdisho, waxaana taasi ay walaac ku abuurtay Soomaalida kale ee billaa sharciga ah, iyadoo arrinta dib u celinta qaxootiga ay gacan weyn ka geysanayaan qaar ka mid ah ururada & shaqsiyaad Soomaali ah.
Waaxda socdaalka Soomaaliya ayaa hore dib ugu soo celisay Holland 2 dhalinyaro ah oo si qasab ah loogu soo celiyey Muqdisho kadib markii codsigoodii magangelya-doonka ahaa la laalay, waxaana ay dad badani iminka isweydiinayaan tillaabada ay ku dhaqaaqi doonaan maalmaha soo socda marka Muqdisho laga dejiyo Mahdi Ibraahim Geeddi.
Axmed Aadan Weheliye oo ka mid ah dadka billaa sharciga ah ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay go’aan cad ka qaadato arrinta dib u celinta qaxootiga ah, ayna kala doorato in ay damaanad-qaad dhinaca ammaanka ah siiso muwaadiniinta la soo celiyo, una abuurto shaqooyin ama in ay ku wargeliso wasaaradda arrimaha dibedda Holland in ay arrintaasi joojiyaan inta ammaanka si buuxda gacanta loogu dhigayo.
Tallaabadan ay xukuumadda Hollan ku celinayso soomaalida bilaa sharciga ah, ayaa warwar weyn ku haysa dadka soomaalida ah ee sharciga sugaya, waxana haatan jira dad badan oo ay tallaabadani saamayn weyn ku yeelan doonto noloshooda.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com