|

Dawladda Holland Oo Shaacisay Inay Somalia Kula Heshiisay Soo Celinta 25- Badh-cad-badeed Soomaaliyeed oo Halkaas ku Xidhan

Amstardam:May,27,2014(SDN/QJ)-Maama aanay Muddo badan Dunida jirinn Dawlad dhexe oo somaliyeed, ayaa waxa dhacday in dadkii soomaalida ahaa ay silicyo ku mutaan Dalal badan oo dunida ka mid ah.

 

budhaaDalka Holland ayaa ka mid ah dalalka ay soomaalida Tirada badani ku mashaqaysan tahay, waxana uuWasiirka Caddaaladda ee dalka Dalkaasi Fred Teeven uu sheegay in Budhcad-baddeeda Soomaalida ee xukunkooda shaqo ku qaadanayso dalkaasi  inaan degdeg loo sii dayn doonin, haddii ay codsadaan Magangeliyo.

 

Wasiirka ayaa arrintaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyey Barlamaanka, wuxuuna xusay inuu qorsheynayo in sida ugu dhaqsaha badan wax looga beddelo Sharciga la xidhiidha arrintaasi.

 

Wasiirka Caddaaladda ee dalka Holland, Fred Teeven Waxa kaloo uu tilmaamay inay Dowladda Federalka Somalia la gaadheen Heshiis horseedi doona in 25 Budhcad-baddeed Soomaali lagu hayo dalka Holland dib loogu celinayo dalkooda hooyo ee Somalia.

 

Bishii la soo dhaafay, saddex ka mid ah Budhcad-baddeed Somali dhamaysatay qeybo badan oo ka mid ah Xukunkooda ayaa la sii daayey, waxayna Dowladda Holland ka codsadeen magangeliyo Qaxootinimo.

 

Xisbi Mucaarad oo miisaan ku dhex leh Barlamaanka dalkaasi ayaa gaashaanka ku dhuftay in budhcad-baddeedaasi la siiyo magangeliyo, isagoo ku eedeeyey inay Askar Holland dileen.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed