|

Dawladda Federalka Somalia Oo Si Kulul u Cambaaraysay Dhibaatooyinka Lagu Hayo Soomaalida Ku Nool Dalka K/Afrika

Muqdisho:April,18,2015(SDN/QJ)-Dawladda Federalka Somalia, ayaa Cambaarayn kulul dusha ka saartay Dhibaatada hayo Soomaalida deggen waddanka K/Afrika, kuwaas oo dil  iyo dhac joogto ah lagula kaco.

dhacoWar-saxaafadeedkan cambaaraynta ah, ayaa lagu lafoguray awoodda dhibaatada dadka reer S/Afrika ee Soomaalida lagu hayo, waxana lagu baaqay in si degdeg ah arrintaas wax looga qabto.

War-saxaafadadeedkaas, ayaa sidatan u dhignaa:

Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya waxaa naxdin ku noqotay xadgudubyada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed , iyadoo la ogsoon yahay taageerada xoogan ee Soomaaliya ay u fidisay loolankii dheeraa ee guuleystay ee Koonfur Afrika ay ku diidaneed midab takoorka.

Taariikhdu waxa ay marqaati ka tahay tallaabooyinka Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya ay u qaadeen si loo sugo xoriyadda Shacabka walaalaha ah ee Koonfur Afrika , waxaa lagu bixiyay dadaalkaasi hanti iyo taageero dhinacyo badan leh si loo gaaro Koonfur Afrika oo xor ah .

 

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Jaalle , Maxamed Siyaad Barre waxa uu yidhi ” Gobonimada iyo Xoriyadda aan heysanno wax micno ah ma laha iyo faa’ido , xilli walaalaheena South Africa ay yihiin kuwa la dulmiyay oo ka xaniban xuquuqdoodii oo aaney laheyn aaya-katashi, annaga iyo wadamada Afrika waxaanu laba laabi doonaa dadaalkeena si aan caalamka ugu baraarujinno xaaladda halista ah ee ka taagan Koonfur Afrika , waxaa waajib nagu ah inaan taageero farsamo iyo mid niyad ah aan u fidinno dhaq dhaqaaqyada xornimo-doonka Afrika , si dal waliba oo Afrika ah uga xoroobo kuwa boobaya kheyraadka , dhaawacna u geysanaya karaamada iyo sharafta Afrika”.

Sidaas darteed , dhaqankaasi colka ku ah shisheeyaha iyo badownimada ay muujiyeen kooxda xadgudubyada soo noq-noqday geysaneysa ma ahan mid la aqbali karo. waxaanu soo dhoweyneynaa faragelinta degdega ah iyo cambaareeynta uu jeediyay Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, oo todobaadkan ka hor sheegay ​​​Baarlamaanka in Dowladiisa aaney cafin doonin dadka geysta weeraradan oo kale ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee sida wacan u shaqeysanaya ee degan Koonfur Afrika, annagu waxaanu taageereynaa hadalka Madaxweynaha ee ah in weerarada noocani oo kale aan loo sameyn karin marmarsiinyo.

Sidaas darteed , waxaanu ugu baaqeynaa Dowladda aanu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika inay qaado tallaabooyinka degdega ah ee Lagama maar-maanka ah si loo hakiyo weeraradan ka dhanka ah muwaadiniinta , lana maxkamadeeyo dhammaan dadka ku lugta leh dambiyadan. Ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedkaas cambaaraynta ah ee Loo jeediyey dhibka lagu hayo Soomaalida Waddanka K/afrika ku dhaqan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed