Dawladda Federalka Somalia Oo 10-Milyan Oo Dollar Oo Kaash ah Ka Heshay Dhiggeeda Qatar
Muqdisho:May,25,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, ayaa la sheegayaa inay Lacag dhan Toban Milyan oo Dollar ka heshay Dhiggeeda Qatar, si ay uga baxdo carqaladaha ka haysta dhinaca samaynta Maamul-goboleedyada.
Dowladda Somaliya, ayaa waxaa lacagahan lagu wareejiyay maalintii Jimcaha, mar uu booqasho Magaalada Muqdisho uu ku yimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Khalid bin Mohammad Al Attiyah.
Wasiirka, ayaa kulan gaar ah Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula qaatay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaasoo lacagaha loogu wareejiyay Madaxda Dowladda. Lacagahan waxaa loogu talla galay in wax looga qabto arrimaha ammaanka, caafimaadka iyo in lagu kaabo dhaqaalaha Dowladda.
Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa warbaahinta qaar u sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar uu Madaxda Dowladdu u sheegay, in markale uu soo booqan doono Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay Xukuumadda Doha sii wadi doonto taageeradeeda ku aadan Somaliya.
Dowladda Qatar, ayaa waxaa lagu xantaa inay iyadu ka dambeysay in doorashada madaxtinimada dalka uu ku guuleysto Xasan Sheekh Maxamuud, markii ay ku taageertay lacag dhan 5 milyan oo lacagta Mareykanka ah.
Madaxtooyada Somaliya oo ku mashquulsan shirka Magaalada Cadaado, ayaa wuxuu xilligan uu culeys ka soo fuulay ku dhawaaqista musharaxtiimada Axmed C/salaan Xaaji Aadan ee Maamulka Gobolada Dhexe.
Madaxtooyadu waxay ka cadhootay in Safiirka Somaliya ee dalka Itoobiya uu isu soo sharaxo Maddaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe, taasoo ka horimaaneysa heshiis uu Madaxweynuhu Magaalada Dhuusamareeb uu kula gaadhay Beesha Cayr, Habargidir. Labada dhinac ayaa waxay ku heshiiyeen haddii Dhuusamareeb loo magacaabo Caasimadda Gobolada Dhexe, inaanay siyaasiyiinta beeshu isu soo sharaxi karin Madaxtinimada Maamulkaasi.
Qasriga dalka looga arrimiyo, ayaa Madaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe la doonaaya in uu ku soo baxo C/kariin Xuseen Guuleed, kaasoo iminka ah la taliyaha Madaxweynaha Somaliya ee dhanka siyaasadda.
Garabka Madaxweynaha Somaliya, ayaa u tafa-xeydanaaya sidii uu dagaal adag ula geli lahaa Axmed C/salaan, si aanu meesha kaga saarin rajada C/kariin Xuseen, ee ah inuu ku guuleyso Hogaanka Maamulkaasi. C/salaan waxaa loo arkaa shakhsiga keliya ee C/kariin kaga guuleysan kara doorashada.
Masuul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa Dhacdo.com u sheegay in lacagaha ay Dowladdu ka heshay dalka Qatar, ay qayb ka mid ihi u adeegsan doonto suuqa shirka Cadaado.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com