|

Dawladda Federaalka Somalia oo Sheegtay inay Bisha Tobnaad ee Sannadkan Si Rasmi ah ula soo Wareegayso Maamulka Hawada Somalia

Muqdisho 30. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Salaad  ayaa sheegay inay bisha tobnaad ee fooda inagu soo haysa ay qorshaynayaan inay si rasmi ah ula wareegaan hawada dhulkii laysku odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland-na ku jirto.

Wasiirkan ayaa ku dhawaaqay arintan kadib markii uu Masar kaga qaybgalay shir ay halkaas wasiirada duulista ee dalalka bariga Afrika ku yeesheen, waxaanu si cad u sheegay inay gacanta ku hayaan qalabkii, isla markaasna hawshoodu ay sugayso shaqaale tabobaro ugu maqan.

 

Wasiirka duulista Somaliya Maxamed Cabdilaahi Salaad  oo arimahan ka hadlaayay kadib markii uu Muqdisho ku soo laabtay waxa uu yidhi “Waxaa rajeynaynaa in hawada Soomaaliya marka ugu horreysay laga maamuli doono magaalada Muqdisho,  Duulista hawada marka horeba, iyadoo aan aad u dhisneyn ayaa hadana dowladdii bur burtay, marka hadda waxaan u baahannahay, in aanu helno shaqaale tababar fiican leh, markii ay soo laabtaana ay ka qeyb qaataan maamulka hawada Soomaaliya, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha October ayaa rajaynaynaa in ay bilaabmato arrintaasi, balse way dhici kartaa dib u dhac oo maalmo ah, maadaama qalab badan la rakibayo”.

Comments are closed