|

Dawladda Federaalka Somalia oo Ka Hadashay Wada Hadaladii Fashilmay ee u Dhexeeyay Maamulada Gal Mudug iyo  Ahlu Sunna Iyo Cida eeda Leh oo ay soo Bandhigeen AKHRI

Muqdisho 28. April 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa war murtiyeed ka soo saartay wada hadaladii Muqisho uga socday maamulada Galmudug iyo ahlu sunna.

 

Masuuliyiinta Galmudug ayaa shir jaraaid oo ay ku qabteen Muqdisho waxay ku sheegeen iney burbureen wadahadalkii ay kula jireen ahlu suna ayna burburka wada hadalkaas leeyihiin dhinaca ahlu suna oo shuruudo adag la yimid.

 

Balse warka ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ayaa ugu baaqay labada dhinac in wadahadalka la isku soo laabto, iyadoo maamulka Galmudug loogu baaqay iney qabsadaan doorashada madaxweynaha maamulkaas oo dhaceysa 30ka bishan.

 

War murtiyeedka ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ayaa u qornaa sidatan:-

Comments are closed