Dawladda Britian Oo Dadka U Ogolaatay In Lagu Daaweeyo Qur’aanka Kariimka Ah !
Hargaysa 20. February 2017 (SDN/QJ):-Dad badan oo ka mid ah dadka islaamka ah ee ku nool guud ahaan dunida ayaa dawada kaliya ee lagu daweeyaa ay noqotay Qur’aanka kariimka ah, wallaw ay jiraan dad qaba fikirkaasi mid ka duwan.
Haddaba, mashruuc cusub oo ay hirgalisay The British National Health Services, kaasi oo la xidhiidha deraasad ay samaysay jaamacada Leeds ee dalkaasi ayaa lagu soo bandhigay markii la eegay dad badan oo islaam ah oo ku dhaqan dalkaasi in aanay ku caafimaadin dawooyinka caadiga, kadibna lagu daweeyey qur’aanka kariimka ah taasina ay noqotay dawada kaliya ee dadkaasi ku dawoobeen.
Dr Ghazala Mir, oo hoggaaminaysay khubarada hirgalisay mashruucan oo ka tirsan maamulka jaamacada Leeds ayaa waxay tidhi “Waxa xaqiiq ah in dadka islaamka ee xanuunsada ee aan daawaynta caadiga ahi waxba u qaban ay dib ugu noqdaan diintooda oo ay ku dawoobaan, inta ugu badana waxa lagu daweeyaa Qur’aanka dadka sida nafsiga ah u xanuunsanaya oo aaminsan inay yihiin dad gaf ka galay Ilaahay, sidaa awgeedna dib ugu noqda qaladaadkooda si wanaagsana u cibaadaysta waana arrin noqotay lagama maarmaan”.
Dad badan oo lagu dawaynayay qur’aanka ayaa ka soo hor jeestay arrintani waxaanay xujo ka dhigteen in aanay aqoon badan u lahayn diinta islaamka amase aanay ahayn dad muslimiin ah, laakiin waxa la xaqiijiyay in daawaynta Qur’aanka ay hirgaliyeen The British National Health Services haatana lagu shaqeeyo.