|

Dawladda Britain oo markii ugu Horaysay Si Rasmi ah uga hadashay Aragtideeda Aqoonsigii Golaha Deegaanka ee Magaaladda Sheffield

16,Apr.2014(SDN/QJ)-Wasiirka u qaaabilsan Afrika Dawladda Britain Mark Simmonds,ayaa markii ugu horeeyay ka hadalay Aragdida Xukuumadiisa ee ku aadan Aqoonsigii ay Golaha Deegaanka Magaaladda Sheffied u fidiyeen Somaliland,waxaana uu Simmonds uu sheegay in aanay taasi ka turjumayn Ictiraaf ay siisay Dawladiisu Somaliland.

Waxaana uu sheegay mar uu ka hadlayay xidhiidhka Somaliland Britain inuu yahay xidhiidh soo jireen ah.

Sidaas waxa uu ka sheegay kulan baadhan oo maanta la qaatay Madaxweynaha Somaliland oo ay Weheliyaan raxan ka tirsan Xukuumadiisa.waxaana hadaladii Wasiirka ka mid ahaa ““Arrintan Somaliland ku wajahan waa cadahay xidhiidh soo jireena waanu wada lahayn muddo dheer .anagu ka dawlada ahaan Somaliland umaanan aqoonsan in ay tahay dawlada madaxbanaan ,Aqoonsiga Sheffeild-na Maaha mid ka tujumaya in dawlada ingiriisku ay aqoonsatay Somaliland”Ayuu yidhi Mr. Mark Simmonds
SDN/QJ-Hargaysa,Somaliland

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed