|

Dawladaha Yurub oo ka Arrinsanaya Argagixisada, Ka dib Weerarkii Daacish ku qaadday Brussels

Brussels 25,March,2016(SDN/QJ):- Kadib weerarkii Brussels, Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Cadaaladda ee Waddamada Yurub ayaa shir deg deg ah ku qabanaya Magaalada Brussels.

YurubWaxay ka hadli doonaan sidii looga hortagi lahaa khatarta ka imaanaysa Kooxaha ay ugu yeedhaan Argagixisada iyo sidii looga hirgalin lahaa sharciyadda Argagixisada dhammaan Midowga Yurub.

Waraysi uu siiyay BBC Agaasimaha Booliiska Yurub Rob Wainwright, ayaa ka digay in Argagixisada isku-xidhan inta ay la’eg tahay la yaraystay.

Wuxuu sheegay in hay’addiisa ay muhiimadda siin doonto inay la shaqayso dowladaha si loo helo siday isugu xidhan yihiin.

Kooxda Daacish, ayaa laba cisho ka hor laba Weerar oo ismiidaamin ah ka fulisay Madaar Caalamiya oo ku yaalla Caasimadda Dalka Biljimka ee Brussels iyo Xarun laga raaco Tareennada, waxaana Qaraxyadaas ku dhintay Dad tiradooda lagu sheegay 38, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 170 Ruux.
Booliiska Biljamka, ayaa weli baadi-goobaya Nin ka hadhay Labadii Nin ee isku Qarxiyey Madaarka Brussels iyo Xarunta Tareennada laga raaco, kuwaasi oo la sheegay inay ahaayeen Walaalo u dhashay Dalka Biljamka.

Ninka la baadi-goobayo, ayaa la aaminsan yahay in ka hor Qaraxa Madaarka Brussels uu halkaasi ka tagay, isagoo ahaa Maskaxdii ka dambeysay Weerarradaasi isla-markaana farsameeyay Walxaha Qarxa ee loo adeegsaday Weerarradan.

Comments are closed