Dawladaha Uganda iyo Maraykanka oo ka Wada Xaajoonaya la dagaalanka Kooxda Al Shabaab
Kampala 28.Sep 2013 (SDN)- Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Chuck Hagel iyo madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa shalay ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kulanka oo ka dhacay xarunta waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ee gobolka Virginia ayuu Mareykanku ku amaanay Uganda dowrka ay ka qaadatay dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacidda.
Madaxweynaha Uganda ayaa u tagay dalka Mareykanka ka qeyb galka shirka 68-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Wuxuu horay ula kulmay madaxweynaha Mareykanka Barrack Obama.
Chuck Hagel ayaa uga mahadceliyay Museveni kaalinta hoggaamineed ee ay dowladdiisa uga jirto howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Congress-ka Mareykanka wuxuu $14 milyan oo dheeraad ah ugu tabarrucay dedaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.
Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ugu yaboobay howlgalka AMISOM oo ay sidoo kale qeyb ka yihiin dalalka Jabuuti, Burundi, Kenya, Sierra Leone iyo Nigeria. In ka badan 17 kun oo askari ayaa howlgalkaas ka qeyb qaadanaya.
Kampala SDN.
Qurbejoog.com