|

Dawladaha Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Kala Saxiixday Heshiis,Lagu Dhisayo Dhuumaha Shidaalka Qaada

Jabuuti,3Oct,2015(QJ/SDN)-Dowladdaha Ethiopia iyo Djibouti ayaa isla meel dhigay heshiis ku kacaya $1.55 billion oo dhuumaha shidaalka ka soo qaada dekedda Jabuti isla markaana geeynayana gudaha dalka Ethiopia.

jabuuti-itoobiya-heshiis-1

Herglinta mashruuca ayaa wax iska kaashanaya shirkaddaha Mining, Oil and Gas Services and Blackstone Group LP-backed Black Rhino Group.

Dhul cabirkiisa yahay 550 km oo u dhiganta 340 mile ayaa la dhigi doonaa dhuumahaan oo dekadda Jabuuti kasoo qaadi doona noocyada kala duwan ee shidaalka.

Dhismaha dhuumahan shidaalka qaada oo lagu wado inuu socdo muddo labo sano ah ayaa waxaa ka faa’ideysan doona dalka Ethiopia oo shidaalka laga isticmaalo lagu geeyo Booyado maadaama uusan lahayn dalkaasi bad.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dhuumahan oo xajmigoodu gaadhayo 20-inch (51-centimetre) ay awoodi karaan inay dhex maraan 240,000 oo foosto maalin walba.

Waxyaabaha ay dibada ka keensato dowlada Ethiopia ayaa waxaa ay ka soo degaan dekedaha dalka Jabuuti,Xidhiidhka labada dal u dhexeeya oo ah mid aad u xooggan ayaa suurtogaliyay in bishii June ee sanadkan la dhamaystiro Khad Tareen oo cusub kaasoo isaga kala goosha labada dal.

Ammaanka dalalka Ethiopia iyo Jabuti ayaa aad uga wanaagsan wadamada kale ee ku yaal geeska Afrika waxayna taasi sababtay in labada dal ay horumar ka sameeyaan dhinacyo kala gedisan.

jabuuti-it-1-1024x463

Dalka Jabuti ayaa waxaa ka socda mashaariic horumarineed iyadoo lix dekedadoo haatan dhismahooda ay socdaan ,sidoo kale labo garoon diyaaradeed ayaa dhismihiisa laga hirgelinayaa wadanka Jabuti, halka dhowaan magaalada Addis Abbaba uu ka howlgalay Tareen ku shaqeeya korontada oo ah kii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo wadamada Bariga Afrika.

 

Comments are closed